50ka Xiddig Ee Dunida Oo Dhan Ugu Wanaagsan Waqti Xaadirkan Oo La Qiimeeyey, Messi & Lewandowski Oo Isku Dhegan Iyo Booska Uu Ku Jiro Ronaldo

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi iyo gool-dhaliyaha Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa loo magacaabay labada ciyaartoy ee ugu wanaagsan waqtigan dunida kubadda cagta, sida ay muujisay qiimayn lagu sameeyey ciyaartoyda ugu cadcad dhinaca bandhigga.

Messi oo ay da’dioisu tahay 33 jir, kuna soo guuleystay lix Ballon do’Or oo middii uug dambaysay ay ahayd sannadkii 2019, waxa uu wali ku jiraa qaab ciyaareed wanaagsan, iyadoo uu yahay hoggaamiyaha iyo niyadda kooxdiisa oo ay guulahana isaga ka sugaan.

Lewandowski ayaa isaguna ahaa xiddiga goolasha layaabka leh kaga caawiyey Bayern Munich in xili ciyaareedkii hore ay ku guuleysto Champions League, Bundesliga, DFB-Pokal, German Super Cup iyo UEFA Super Cup, taas oo ka dhigan in dhamaan tartamadii ay ka qayb-galeen ay koobabkoodii ku wada guuleysteen oo aanay hal koobna ku guul-darraysanin.

Qiimayn lagu sameeyey ciyaartoyda ugu wanaagsan kubadda cagta ayaa waxa lagu soo xulay 50 xiddig oo bandhiggoodu yahay kan ugu fiican, waxaana booska koowaad cidhiidhsaday Lionel Messi iyo Robert Lewandowski oo ay isku dhibco yihiin.

Xogta qiimayntan oo lagu jaan-gooyey darajadeeda ugu sarraysa 100, ayay Messi iyo Lewandowski ka heleen min 99 dhibcood, taas oo ah meeqaamkii ugu sarreeyey, figta sarena ay kaliya hal dhibic ka xigtay.

Josip Ilicic oo u ciyaara Atalanta, xili ciyaareedkii horena wacdaro ka dhigay tartanka Champions League ayaa kaalinta saddexaad soo cidhiidhsaday, waxaanay isku dhibco yihiin Neymar oo ay wada haystaan min 98 qiimaynta, waxaana shanaad iyo lixaad ah da’yarka Bayern Munich ee Joshua Kimmich iyo kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos.

Halkan kaga bogo qiimaynta oo dhamaystiran:

50. Juan Cuadrado (Juventus): 87

49. Ricardo Pereira (Leicester City): 87

48. Luis Suarez (Atletico Madrid): 87

47. Alphonso Davies (Bayern Munich): 88

46. Sergio Busquets (Barcelona): 88

45. Domenico Berardi (Sassuolo): 88

44. Jadon Sancho (Borussia Dortmund): 88

43. Zlatan Ibrahimovic (AC Milan): 88

42. Gianluigi Donnarumma (AC Milan): 88

41. Leon Goretzka (Bayern Munich): 88

40. Achraf Hakimi (Inter Milan): 88

39. Marcel Halstenberg (RB Leipzig): 88

38. Juan Musso (Udinese): 88

37. Hakan Calhanoglu (AC Milan): 89

36. Jordi Alba (Barcelona): 89

35. Duvan Zapata (Atalanta): 89

34. Santi Cazorla (Al Sadd): 89

33. Dayot Upamecano (RB Leipzig): 89

32. Serge Gnabry (Bayern Munich): 89

31. Gerard Moreno (Villarreal): 89

30. Andrej Kramaric (Hoffenheim): 89

29. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal): 89

28. Jesus Navas (Sevilla): 89

27. Erling Haaland (Borussia Dortmund): 89

26. Alejandro Gomez (Atalanta): 90

25. Karim Benzema (Real Madrid): 90

24. Sven Bender (Bayer Leverkusen): 90

23. Francesco Caputo (Sassuolo): 91

22. Joao Cancelo (Manchester City): 91

21. Thibaut Courtois (Real Madrid): 91

20. Kai Havertz (Chelsea): 91

19. Harry Kane (Tottenham Hotspur): 91

18. Sadio Mane (Liverpool): 91

17. Gerard Pique (Barcelona): 91

16. Jan Oblak (Atletico Madrid): 92

15. Kevin De Bruyne (Manchester City): 92

14. Thomas Muller (Bayern Munich): 93

13. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain): 93

12. Son Heung-min (Tottenham Hotspur): 93

11. Mohamed Salah (Liverpool): 93

10. Bruno Fernandes (Manchester United): 93

9. Thiago Alcantara (Liverpool): 93

8. Raheem Sterling (Manchester City): 94

7. Cristiano Ronaldo (Juventus): 94

6. Sergio Ramos (Real Madrid): 96

5. Joshua Kimmich (Bayern Munich): 96

4. Neymar (Paris Saint-Germain): 98

3. Josip Ilicic (Atalanta): 98

2. Robert Lewandowski (Bayern Munich): 99

1. Lionel Messi (Barcelona): 99

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.