30ka Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa Musaaricada Oo Lasoo Saaray, Big Show, Lesnar & Roman Reigns Oo Kaalmaha Hore Laga Waayey

30 dagaalyahan ee ugu wanaagsan ciyaarta legdinta ama Musaaricada ee WWE ayaa lasoo saaray, waxaana kaalmaha hore ka maqan xiddigaha ay muddooyinkan dambe garoomadu u shidan yihiin ee ay dadku inta badan ku madadaashadaan.

Shabakadda qiimaynta Rankers oo qiimayn ku samaysay bandhigga xiddigaha Musaaricada, gaar ahaan intii ka dambaysay sannadkii 2000, waxaana kaalinta koowaad galay Steve Austin oo lagu naanayso ‘Stone Cold’.

Qiimayntan oo lagu salleeyey codbixin ay Ranker ka qaadday dadka sida aadka ah ula socda musaaricada, ayaa waxay muujisay in John Cena oo ka mid ah xiddigaha ugu guulaha badnaa 20kii sannadood ee ugu dambeeyey uu ku jiro kaalinta labaad ee liiskan.

Big Show oo culayskiisa iyo awooddiisa jidheed ay argagax sii geliso dagaalyahannada kale ee ay iskaga hor yimaaddaan xayndaabka ayaa liiska kaalinta ugu hoosaysa ee 30aad kaga jira, waxaana layaab noqotay in ROman Reigns oo isaguna ka mid ah shaqsiyaadka uu 29aad ku jiro.

Rock Lesnar oo markii uu ka baxay ciyaaraha UFC ee feedhka iyo laagga isku dhafan ah u wareegay musaaricada ayaa 24aad fadhiistay.

Halkan ka akhriso 30ka dagaalyahan ee ugu wanaagsanaa ciyaarta musaaricada tan iyo sannadkii 2000:

30. Big Show

29. Roman Reigns

28. Christian

27. Seth Rollins

26. Matt Hardy

25. Chris Benoit

24. Brock Lesnar

23. Ric Flair

22. Kane

21. CM Punk

20. Lita

19. Daniel Bryan

18. Booker T

17. Rob Van Dam

16. Trish Stratus

15. Kurt Angle

14. Bill Goldberg

13. Rey Mysterio

12. Chris Jericho

11. Eddie Guerrero

10. Jeff Hardy

9. Batista

8. Shawn Michaels

7. Triple H

6. Edge

5. Randy Orton

4. The Rock

3. Undertaker

2. John Cena

1.‘Stone Cold’ Steve Austin

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.