25ka Xiddig Ee Ugu Qiimaha Badan Spain Oo La Shaaciyey, Messi Oo Dhulka Sii Galay & Fadeexadda Saaran Eden Hazard

Lionel Messi ayaa hoggaaminaya Liiska ciyaartoyda ugu qiimaha badan waddanka Spain, laakiin laacibka reer Argentina ayaa markii ugu horreysay uu qiimihiisu ka hoos maray £100 milyan oo Gini.

33 jirkan reer Argentina ee lixda jeer ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu wanaagsan dunida ee Ballon d’Or, ayaa waxa uu xili ciyaareedkii hore u ahaa mid adag oo isaga iyo kooxdiisa Barcelona ay ku dhibaatoodeen garoomada, isla markaana iyagoon wax koob ah qaadin ay ku dhamaysteen.

Shabakadda Transfermarkt ayaa soo saartay qiimayntii ugu dambaysay ee ciyaartoyda ka dheesha horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, waxaana si lama filaan ah dhulka usoo galay Messi oo laakiin haddana kaalinta koowaad ku jira, waxaase fadeexadoobay Eden Hazard oo kala-badh ka hooseeya intii ay Rela Madrid kusoo iibsatay sannad ka hor.

Qiimaha Lionel Messi ayaa taagnaa January 1, 2018 lacag dhan £162 milyan oo Gini, laakiin laba sannadood gudahood hoos ugu dhacay £90 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan inuu gaadhay halkii ugu hoosaysay tan iyo sannadkii 2012kii.

Goolhayaha Atletico Madrid ee Jan Oblak oo qiimihiisu taagan yahay £81 milyan oo Gini ayaa kaalinta labaad soo cidhiidhsaday, waxaana kusoo xiga saaxiibkiisa Wanda Metropolitano ee Joao Felix oo taagan £72 milyan oo Gini, waxaanay isku mid yihiin Ansu Fati iyo Antoine Griezmann.

Eden Hazard ayaa liiskan kaga jira kaalinta 17aad, waxaanu qiimihiisu taagan yahay £54 milyan oo kaliya, waxaana sababay qaab ciyaareedka xun ee uu kusoo bandhigay Santiago Bernabeu xili ciyaareedkii tegay iyo dhaawacyada tirada badan ee uu wali u jiifo.

Akhriso 25ka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan LaLiga:

25. Clement Lenglet | Barcelona | £45m

24. Toni Kroos | Real Madrid | £45m

23. Diego Carlos | Sevilla | £45m

22. Renan Lodi | Atletico Madrid | £45m

21. Vinicius Junior | Real Madrid | £45m

20. Ousmane Dembele | Barcelona | £45m

19. Miralem Pjanic | Barcelona | £45m

18. Lucas Ocampos | Sevilla | £45m

17. Eden Hazard | Real Madrid | £54m

16. Philippe Coutinho | Barcelona | £54m

15. Koke | Atletico Madrid | £54m

14. Mikel Oyarzabal | Real Sociedad | £54m

13. Casemiro | Real Madrid | £58.5m

12. Jose Gimenez | Atletico Madrid | £63m

11. Saul Niguez | Atletico Madrid | £63m

10. Federico Valverde | Real Madrid | £63m

9. Frenkie de Jong | Barcelona | £63m

8. Raphael Varane | Real Madrid | £63m

7. Marc-Andre ter Stegen | Barcelona | £67.5m

6. Thibaut Courtois | Real Madrid | £67.5m

5. Antoine Griezmann | Barcelona | £72m

4. Ansu Fati | Barcelona | £72m

3. Joao Felix | Atletico Madrid | £72m

2. Jan Oblak | Atletico Madrid | £81m

1. Lionel Messi | Barcelona | £90m

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.