24 Jir 20 Koob Qaaday, Rikoodh Aan Waligiis La Dhigin Oo Caawa La Qoray & Xogtii Laga Diiwaangeliyay Guusha Bayern Munich Ee Champions League

Rikoodh: Bayern Munich ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay abid ee taariikhda Champions League ama European Cup ee ku guuleysata koobka iyadoo wada badisay kulan walba oo ay ciyaareen.

Bayern Munich ayaa ku guuleysatay koobkeedii lixaad ee Champions League iyadoo noqday kooxda seddexaad ee ugu koobab badan Champions League oo ay isla hayaan guuleysatayaashii sannadkii hore ee Liverpool.

13 koob – Real Madrid

7 koob – AC Milan

6 koob – Bayern Munich, Liverpool

Xiddiga Bayern Muncih u qaaday koobka Champions League caawa Kingsley Coman waxa uu waayihiisa ciyaareed ku guuleystay 20 koob. Da’diisa kaliya waa 24 sanno jir.

24 jirkaan wuxuu PSG la qaaday afar koob oo labo ka mid ah ay tahay koobka horyaalka Faransiiska.

Wuxuu Juventus la qaaday afar koob oo labo ka mid ah ay tahay horyaalka Serie A.

Wuxuu Bayern Munich la qaaday shan Bundesliga, seddex German Cup, seddex German Super Cup iyo hal Champions League.

Bayern Munich waxay lixda koob ee Champions League ay kala qaaday sannadahaan:

πŸ† 1974

πŸ† 1975

πŸ† 1976

πŸ† 2001

πŸ† 2013

πŸ† 2020

Tababare Hansi Flick ayaa noqonaya tababarihii afraraad ee Jarmal ah ee ku guuleysata Champions League ka dib Ottmar Hitzfeld (1997, 2001), Jupp Heynckes (1998, 2013) iyo JΓΌrgen Klopp (2019).

Todobadii kooxood ee ugu danbeeyay ee gaara markii ugu horeysay finalka Champions League dhamaantood waa laga badiyay, waxaana ugu danbeysay PSG caawa. Markii ugu danbeysay ee ay koox gaarto markii ugu horeysay finalka islamarkaana ay koobka qaado waxay aheyd 1997dii markaasoo Borussia Dortmund ay koobka ka qaaday Juventus.

Bayern Munich ayaa barbareysay rikoodhka Barcelona ee ah inay labo xilli ciyaareed seddexda koob isku qaaday, waxay seddexda koob ee horyaalka, koobka maxaliga ah iyo Champions League isku qaadeen xilli ciyaareedkan iyo xilli ciyaareedkii 2012-13, halka Barcelona ay isku qaaday (2008/09 iyo 2014/15).

App-ka Gool24.net waxaad ka degsan kartaa google play store, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.