TARTAN CULUS: Min Tobanka Ciyaartoy Ee Boos Kasta Oo Kubbada Cagta Ugu Fiican Oo La Tartansiiyay Iyo Qayb Kasta Ciyaartoyda Kaalinta Kowaad Kaga Soo Baxday Oo La Shaaciyay.

Xiddigaha ugu fiican adduunka, waxa mar walba lagu sameeyaa qiimayn joogto ah oo sees looga dhigo qaabka uu shaqadiisa u qabsado ee uu garoonka dhexdiisa ugu halgamo, iyadoo lala barbar-dhigayo kuwa kale ee ay isla xafiiltamayaan.

Qiimayntii ugu dambaysay ee si dhamaystiran loogu sameeyo kubadda cagta, waxa lagu dul-istaagay boos walba tobanka ciyaartoy ee ugu fiican, taas oo lagu ladhay tababareyaasha xili ciyaareedkan iyo sannadihii ugu dambeeyeyba ahaa kuwa dunidu u daba-fadhiisato taatikada iyo hannaankooda ciyaareed ee ay garoomada sida cajiibka ah kooxahooda guulaha ugaga raadiyaan.

Horyaalka Premier League ayaa tirada ugu badan ka helay qiimaynta, marka la eego boos walba inta ciyaartoy ee ay ku leeyihiin, waxaana taas u sahlay kubadda Ingiriiska ee sare usoo kacaysa isla markaana ay dunidu sida cajiibka ah ugu xidhan tahay.

Horyaalka Spain ee LaLiga ayaa soo raacay, waxaana kusii xigay xiddigaha Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1 ayaa iyaguna ciyaartooyo ku yeeshay, laakiin celcelis ahaan ma jiraan xiddigo tiro ahaan u dhigmaya Premier League.

Labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City ayaa ciyaartoyda ugu badan ka helay qiimayntan oo guud ahaan lagu soo bandhigay 100 ciyaartoy.

Qiimayntan oo ay samaysay warbaahinta Maraykanka ee ESPN, waxay si qoto-dheer u faaqiday goolhayeyaasha ugu fiican adduunka oo laga soo xulay tobanka ugu banadhigga fiican, kuwaas oo ay kusii xigayaan tobanka difaaca midig ee ugu wanaagsan caalamka, tobanka difaaca bidix ee ugu qiimaynta sarreeya caalamka, tobanka difaaca dhexe ah, tobanka khadka dhexe, tobanka dhexda weerarka raacsan, tobanka garbaha ka ciyaara, tobanka afka hore, tobanka weeraryahan iyo tobanka tababare, taas oo tirada guud ee qiimayntan lagu shaaciyey ka dhigaysa 100 qof oo ka kooban 90 ciyaartoy iyo 10 tababare.

ESPN oo si sannadle ah usoo saarta qiimaynta, waxay qormadan kusoo bandhigtay xiddigihii sannadkii hore ugu fiicnaa, halka sannadkanna lasoo bandhigi doono bisha November, waqtigaas oo xili ciyaareedka dambe uu badhtamaha ku dhowaan doono.

Saddexdii sannadood ee 2006, 2007 iyo 2008 ayaa qiimayntan oo kale ay warbaahintani soo bandhigtay, hase yeeshee tan ugu dambaysay waxay kaga xiiso badan tahay in horyaalka Premier League uu tirooyinka ugu badan iyo kuwa ugu cadcad ba ku leeyahay.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntan oo boos walba toban ciyaartoy ay kusoo baxayaan:

Goolhayeyaasha

Best Goalkeepers
Best Goalkeepers

Goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker ayaa kaalinta koowaad ka galay qiimaynta goolhayeyaasha ugu fiican, waxaanu ku garaacay Jan Oblak oo Atletico Madrid ah iyo Marc-Andre ter Stegen oo labaad iyo saddexaad kala galay.

Alisson waxa uu Liverpool ka caawiyey xili ciyaareedkii hore inay ku guuleysato tartanka naadiyada Yurub ee Champions League, Club World Cup iyo horyaalka Premier League oo faro-ciddidood ay Manchester City kaga xoogsatay.

Goolhayeyaasha oo dhamaystiran:

10: Andre Onana

Kooxda/ waddanka: Ajax/Cameroon

9: David De Gea

Kooxda/ waddanka: : Manchester United/Spain

8: Hugo Lloris

Kooxda/ waddanka:  Tottenham/France

7: Kepa Arrizabalaga

Kooxda/ waddanka:  Chelsea/Spain

6: Wojciech Szczesny

Kooxda/ waddanka:  Juventus/Poland

5: Manuel Neuer

Kooxda/ waddanka:  Bayern Munich/Germany

4: Ederson

Kooxda/ waddanka: Manchester City/Brazil

3: Marc-Andre ter Stegen

Kooxda/ waddanka:  Barcelona/Germany

2: Jan Oblak

Kooxda/ waddanka: Atletico Madrid/Slovenia

1: Alisson

Kooxda/ waddanka:  Liverpool/Brazil.

RIIX 2, 3 ,4 & 5 si aad boos walba u akhrisato xiddigaha ugu fiican:

5 Comments

  1. Robert Lewandawski 1aad Ayuu u Qalmaa
    MO Salah inuu Safka hore ku iiro weeyi
    Jurgen kloop Wuu uqalmaa KoobaaĐ

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*