“Xataa Maaha Inay Doodi Ka Taagnaato, Waxa Abid Ugu Fiican…….” – Halyeey Gary Lineker Oo Murankii Ugu Cuslaa Ka Abuuray Midka Wanaagsan Ronaldo Iyo Messi

Halyeeyga kubadda cagta England haatana ku shaqeeya door falanqeeye ee Gary Lineker ayaa dood cusub oo culus ka abuuray midka abid ugu wanaagsan xiddigaha kubadda cagta jiilkan hormoodka u ah ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Ronaldo oo haatan Juventus qayb ka ah iyo Messi oo Barcelona ka tirsan ayaa shaki la’aan ahaa labada ciyaaryahan ee ugu wanaagsan jiilkan iyaga oo soo wadaagay 11 Ballon d’Or oo kamid ah 12-kii ugu dambeeyay.

Messi vs Ronaldo debate is not even close - Lineker| All Football

Messi oo waayihiisa ciyaareed oo dhan Barcelona kusoo qaatay ayaa kusoo guuleystay Ballon d’Or markii lixaad waana rekoodh, waxa xusid mudan inuusan calaamadaha hoos u dhaca muujinayn walow uu 33 sano jir ku dhaw yahay.

Dhinaca kale Ronaldo oo 35 sano jir ah ayaa waayo ciyaareed oo wanaagsan kula soo raaxaystay Man United, Real Madrid iyo Juventus ayaa wali qaabkiisii ugu wacnaa u ciyaaraya isaga oo u muuqda mid kasoo wareegaya garab weerar oo weeraryahan dhexe noqonaya.

Labadan ciyaaryahan ayaa kusoo guuleystay horyaalo iyo koobab Yurub ah oo aad u tiro badan iyagoo sidoo kale rekoodho aan hore loo saadaalin karin oo goolal iyo gool caawimooyin ah dhigay.

Haddaba, Gary Lineker oo isku dayay inuu markale dooda midkooda ah midka ugu fiican abid ka hadlo ayaa doortay Lionel Messi isaga oo sheegay inay tahay inaan xitaa muran laga keenin.

Lineker ayaa sheegay in dadku marka ay dooranayaan ay ku kala doortaan kooxaha ay taageeraan walow isaga qudhiisa lagu eedayn karo inuu nin-jeclaysi samaynayo maadaama oo uu Barcelona usoo ciyaaray horena dhawr jeer u qirtay inuu taageero u yahay Messi.

Gary oo BBC Sport ka hadlaya ayaa yidhi “Dadku waxa ay sameeyaa qof jeclaysi aad ah marka ay noqoto dhammaan noocyada nolosha, Messi vs Ronaldo-na waa mid kamid ah”

“Inta badan doorashadu waxay u muuqataa inay ka timaado haddii aad taageerto Barcelona, Real Madrid, Juventus amaba cid uun, taas oo ah wax wanaagsan, waan fahmi karaa midaas”

“Anigu sidoo kale waxaan ahay taageere weyn oo Ronaldo ah, laakiin haddii aad ka hadlayso ciyaaryahanka ugu wanaagsan abid, maaha xitaa inay doodi taagnaato kaasi waa Messi, taasi kaliya waa aragtidayda laakiin aniga ahaan xataa maaha wax isu dhaw”

Gary Lineker says Lionel Messi should win 'over-important' Ballon ...

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*