“Waxaanu Haysanaa Koox Iyo Tababare Cajiib Ah, Waa Xilligii Ku Wacnaa Ee Aanu Champions League Qaadi Lahayn” – Xiddig Man City Ah Oo Kusii Faanay Tayada Kooxdiisa

Garabka kooxda Manchester City ee Riyad Mahrez ayaa ku faanay awooda kooxdiisa xilli uu ka hadlay fursada ay u haystaan ku guuleysiga koobka ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee UEFA Champion League oo ay wareegiisa 16-ka Marayaan.

City ayaa fursad wanaagsan u haysata inay gaadho wareega siddeed dhammaadka ee CL kaddib markii ay lugtii hore ee wareegan 16-ka guul 1-2 ah kaga soo gaadhay Real Madrid gegida Santiago Bernabeu.

Mahrez

Dhawaan ayay ahayd markii daafacii hore ee Liverpool ee Jamie Carragher uu sidoo kale sheegay in Man City ay tahay kooxda awood ahaan ugu xoogan dhammaan kooxaha haatan iskugu soo hadhay Champions League.

Riyad Mahrez oo haatan waraysi bixiyay ayaa sheegay inuusan hubin haddii kooxdiisu ay tahay mida ugu wanaagsan kooxaha isku soo hadhay balse ay haystaan waxa ay u baahan yihiin si ay u hantaan koobka.

“Waxaan filayaa inay tahay xilli wanaagsan oo aanu ku guuleysano Champions League” ayuu hadalkiisa ku bilaabay 29 sano jirkan kasoo jeeda Algeria.

“Waxaanu haysanaa kooxdii, waxaanu haysanaa tababarihii, waxaanu haysanaa waxkasta, sidaas darteed waa xilli wanaagsan”

“Anigu ma garanayo haddii aanu nahay kuwa ugu wanaagsan balse waxaanu nahay kuwo in ku filan wanaagsan si aanu ugu guuleysano, Champions League wuu adag yahay, qofkasta waxa uu doonayaa inuu ku guuleysto sidaas darteed waxa ay noqonaysaa dagaal weyn”

Tan iyo markii ay qaab joogto ah usoo galeen Champions League sanadkii 2011, City ayaa rekoodh xun ka haysatay tartanka iyagoo hal mar oo ahayd sanadkii 2016 gaadhay wareega afar dhammaadka ee tartankaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*