WARBIXIN: Andres Iniesta, Sergio Aguero, Paul Pogba, Gareth Bale & Xidigaha Seegay Liiska Ballon D’orka, France Football Oo Si Cad U Sharaxday Sababta Maqnaanshooda, Xidigaha Cusub Ee Sanadkan Tartamaya Iyo Xogta Ballon D’Or 2017

Majaada France Football iska leh abaal marinta Ballon d’Or ayaa ugu danbayn dhamaaystirtay liiska 30-ka ciyaartoy ee sanadkan 2017 ku tartami doona abaal marinta shaqsiga ah ee xidiga aduunka ugu fiican kadib markii ay tan iyo saaka hadba qayb liiskan ka mid ah soo saaraysay. Waxay hadda France Football ku dhawaaqday oo ay aduunka u soo bandhigtay dhamaan  magacyada liiska 30 ka xidig ee ku tartami doona abaal marinta qaaliga ah ee Ballon d’Or.

Laakiin waxaa jira ciyaartoy magac wayn ku leh kubbada cagta oo gudidii soo xulaysay liiskan ku qancin waayay qaab ciyaareedkii ay soo sameeyeen waxaana taas badalkeeda fursad helay xidigo bandhig fiican sanadkan sameeyay oo booska kala baxay xidigo liiskii sanadkii hore ku jiray. France Football ayaa sharaxaad ka bixisay sababta ay ciyaartoy badan oo liiskan hore ugu soo bixi jiray ay iskaga dhex waayeen waxayna sameeyeen wax lagu qanci karo.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa liiska xidigaha aan ku soo bixin musharixiinta Ballon D’or 2017, kuwa cusub ee liiskan ku soo baxay ee aan sanadkii hore ku jirin ama markii abid ugu horaysay ku soo baxay, wax kale oo aanu halkan idiinku soo gudbin doonaa sababta ay France Football ku sharaxday in ciyaartoy magac wayn oo liiskan laga filan karayay laga waayay.

Waxyaabaha kale ee inta aanu warbixitan ku jiro aanu idiin soo gudbin doono waxaa ka mid ah hoyaalada iyo kooxaha liiska 30 ka ciyaartoy inta ugu badan ka haysta iyada oo sidoo kale aanu eegi doono tobanka xidig ee la filayo in ay sanadkan safka ugu horaysa ka soo gali doonaan codbixinta suxufiyiinta ay France Football aduunka ka soo xulayso ee iyaguna u codayn doona 30 kan xidig ee hadda sharaxan.

Ugu horayn si aanu isbarbar dhig ugu samayno xidigaha maqan iyo kuwa cusub ee sanadkan ku soo baxay liiska France Football waxaanu u baahanay in aanu meel iskugu keeno liiskii 30-kii ciyaartoy ee Ballon D’Or ku tartamayay sanadkii hore ee 2016 iyo liiska 30 ka ciyaartoy ee sanadkan 2017 ku tartamaya waxanaa soo baxaya liiska ciyaartoyda cusub iyo kuwa booskoodii waayay.

Haddaba Halkan Kaga Bogo Liiskii 30-kii Ciyaartoy Ee Sanadkii Hore Ee 2016 Waqtigan Oo Kale Ku Soo Baxay Liiska France Football iyada oo xidigaha isla liiska sanadkan 2017 Ku Jira Aanu khad madow ku muujinay.

Sergio Kun Agüero (Manchester City), Pierre-Emerick Aubameyang (Borussia Dortmund), Gareth Bale (Real Madrid), Gianluigi Buffon (Juventus),Cristiano Ronaldo (Real Madrid),Paulo Dybala (Juventus)Kevin De Bruyne (Manchester City),Diego Godín (Atlético Madrid),Antoine Griezmann (Atlético de Madrid), Gonzalo Higuaín (Juventus), Zlatan Ibrahimovic (Manchester United), Andrés Iniesta (FC Barcelona), Koke (Atlético Madrid),

Toni Kroos (Real Madrid), Robert Lewandowski (Bayern Múnich),Hugo Lloris (Tottenham),Riyad Mahrez (Leicester), Leo Messi (FC Barcelona),Luka Modric (Real Madrid),Thomas Müller (Bayern de Múnich),Manuel Neuer (Bayern de Múnich), Neymar (FC Barcelona),Dimitri Payet (West Ham),Pepe (Real Madrid),Paul Pogba (Manchester United),Rui Patricio (Sporting Lisbon),Sergio Ramos (Real Madrid), Luis Suarez (Barcelona), Jamie Vardy (Leicester City), Arturo Vidal (Bayern Munich).

Haddii ayna si fiican kuugu kala bixin aanu si kale oo ka sahlan idiinku soo gudbino iyada oo aanu aanu liiska ka dhignay saddex qaybood, oo kala ah liiska ciyaartoyda sanadkii hore ku jiray balse sanadkan maqan, liiska ciyaartoyda aan sanadkii hore ku jirin balse sanadkan ku jira iyo liiska xidigah labada jeerba ku jira.

Liiska Xidigaha Sanadkii Hore Iyo Sanadkan Ku Soo Wada Baxay Musharnimada France Football Ee Abaal Marinta Ballon D’Or:

1-Neymar Jr- Barcelona/ PSG

2-Luka Modrić- Real Madrid

3-Paulo Dybala- Juventus

4-Luis Suarez- Barcelona

5-Sergio Ramos- Real Madrid

6-Kevin De Bruyne  -Man City

7- Robert Lewandowski  -Bayern Munich

8-Antoine Griezmann- Atetco Madrid

9- Toni Kroos- Real Madrid

10-  Gianluigi Buffon- Juventus

11- Lionel Messi- Barcelona

12- Pierre-Emerick Aubameyang-Dortmund

13- Cristiano Ronaldo- Real Madrid

Liiska 13 kan ciyaartoy ee aan soo sheegnay waa kuwa sanadkii hore ku soo baxay abaal marintii France Football ee Ballan D’or isla markaana sanadkan 2017 markale booskooda sii difaacday taas oo la micno ah in ay sii joogteeyeen qaab ciyaareedkii sanadkii hore ay ugu tartamayeen abaal marintan Ballon D’or laakiin waxaa jira xidigo 17 ah oo aan sida xidigan booskooda sii xejisan.

Haddaba Halkan Kaga Bogo Liiska 17ka Ciyaartoy Ee Lumiyay Booskii Ay Sanadkii Hore Ka Heleen Musharaxnimada Liiska 30ka Ciyaartoy Ee France Football Ay Sanadkan 2017 Soo Saartay ee booskooda lagala baxay:

1-Sergio Kun Agüero (Manchester City)

2-Gareth Bale (Real Madrid)

3- Diego Godín (Atlético Madrid)

4-Gonzalo Higuaín (Juventus)

5-Zlatan Ibrahimovic (Manchester United)

6-Andrés Iniesta (FC Barcelona)

7-Koke (Atlético Madrid)

8-Hugo Lloris (Tottenham)

9-Riyad Mahrez (Leicester)

10-Thomas Müller (Bayern de Múnich)

11-Manuel Neuer (Bayern de Múnich)

12-Dimitri Payet (West Ham)

13-Pepe (Real Madrid)

14-Paul Pogba (Manchester United)

15-Rui Patricio (Sporting Lisbon)

16-Jamie Vardy (Leicester City)

17-Arturo Vidal (Bayern Munich).

Markale haddii aan intaas isla soo fahanay waa kuwee 17 ciyaartoy ee liiska sare ee aan soo sheegnay booskoodii la baxay ee sanadkan qaybta ka ah liiska France Football balse sanadkii hore ka maqnaa ama aan abid hore ugu soo bixin liiska musharaxnimada France Football?.

Si aan su’aashan uga jawaabno waxaanu liiska gaar uga soo saarnay dhamaan ciyaartoydii aan sanadkii hore ee 2016 ku jirin liiska France Football balse sanadkan badalay 17 xidig ee liiskan laga dhex waayay, waxayna kala yihiin ciyaartoyda sanadkan 2017 liiskan ku soo baxay ee sanadkii hore ka aan ku jirin:-

1-Marcelo – Real Madrid

2-N’Golo Kanté -Chelsea

3-Philippe Couitnho- Liverpool

4- Jan Oblak- Atletico Madrid

5-Dries Mertens- Napoli

6-David De Gea  – Man United

7-Harry Kane  -Tottenham

8-Edin Džeko- AS Roma

9- Sadio Mane- Liverpool

10-Radamel Falcao- AS Monaco

11- Karim Benzema- Real Madrid

12-Mats Hummels- Bayern Munich

13-Edinson Cavani- PSG

14-  Eden Hazard- Chelsea

15- Leonardo Bonucci- Juventus/ AC Milan

16- Isco- Real Madrid

17-Kylain Mbappe- AS Monaco/ PSG

Intaa kadib waxaanu halkan idiinku haynaa qoraal ay France Football soo saartay oo ay kaga hadleen sababta ay ciyaartoy magac wayn ku leh kubbada cagtu uga maqnaadeen liiska 30 ka ciyaartoy ee sanadkan 2017 u tartamaya abaal marinta Ballon D’or.

Waxay France Football si gaar ah u soo qaateen toban ciyaartoy oo aan sanadkan fursad u haysan ama aan qaarkood aan la rajaynayn in ay mar danbe ku soo laaban karaan liiska musharixiinta Ballon d’or iyo sababta oo la raaciyay halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

1-Sergio Agüero (ARG, Manchester City): 

Waxa qoraalka France Football ee Aguero lagu bilaabay: “Waxa uu ku soo jiray labadii qaybood ee ugu danbeeyay si la mid ah 2008, 2011, 2012 laakiin umuu soo gudbin 2017. Qaab ciyaareed joogtayn la’aan Champions Leaque ah, niyadjab soo xulashada Argentina ah, Kun Aguero waxa uu sanadkii hore ahaa mid aan sidii hore muhiim u ahayn”.

2-Dani Alves (BRE, Paris-SG)

Qoraalka France Football ee Dani Alves ayaa lagu yidhi: “Isagu kumuu fogaan in uu soo laabto, markii ugu danbaysay waxay ahayd 2011 kii , difaaca PSG ee Dani Alves guddida kumuu qancin wixii uu la soo qaatay kooxdiisa saddexaad”.

3-Gareth Bale (GAL, Real Madrid)

Qoraalka France Football Ee Gareth Bale maqnaanshihiisa looga hadlay ayaa lagu yidhi: “Bilawgii sanadka waxaa jaray dhaawac halis ah oo canqowga ka soo gaadhay ka hor intii aanu April soo laaban. 2017 waxa uu ahaa sanadkii ugu xumaa Gareth Bale muddo shan sano ah isaga oo jidh ahaan u soo dhibtooday. Xidiga ree Wales waxa uu dhibanaha ugu wayn u soo noqday Isco iyada oo finalkii Champoins Leaque isaga loo doortay”.

4-Angel Di Maria (ARG, Paris-SG)

Qoraalka France Football ee maqnaansha markale ee Di Maria looga hadlay ayaa lagu yidhi: “Waa markii saddexaad oo xidhiidh ah oo uu Angel Di Maria ka maqan yahay Ballon d’Or. Sanadkii 2014 kii waxa uu galay kaalinta 10 aad waxayna u muuqataa in uu aad u fogyahay. Sanadkan waxa uu bandhig fiican ka sameeyay kulankii afar dhamadka ee UCL ee Barcelona ay la yeesheen, laakiin taas ayay ku dhamaatay. Ninkan 171 milyan ee euros lagula kala wareegay waayihiisa ciyaareed ayaa walwal leh”.

5-Gonzalo Higuain (ARG, Juventus Turin)

Qoraalka Higian looga hadlay ayaa isna lagu yidhi: “Inkasta oo aanu bandhig fiican u soo bandhigin sidii sanadkii 2016 kii, haddii labadii gool ee uu ka dhaliyay Monaco ee afar dhamadkii Champions Leaque-gu ay kooxdiisa neefta ka soo saartay, Pipita waxa uu xishooday kulamadii waa waynaa ee kale ee ka bilaamaya finalkii Champions Leaque ee Real Madrid oo gabi ahaanba la waayay”.

6-Zlatan Ibrahimovic (SUE, Manchester United)

Qoraalka maqnaansha Ibrahimovic ee France Football ayaa lagu yidhi: ” Kadib afar jeer oo xidhiidh ahaa oo uu ka soo xaadiray, Zlatan Ibrahimovic oo sanadkii 2013 kii kaalinta afraad galay ayaa markan dhulka galay, sida cad waxaa qaladka iska leh dhaawicii halista ahaa ee soo gaadhay April 22 ee Europa Leaque-ga kaas oo soo gabagabeeyay xili ciyaareedkiisii 2016/17, tan iyo markaas kadib maynu arag isaga oo tababarka ku soo noq noqonaya”.

7-Andrés Iniesta (ESP, FC Barcelona)

France Football oo sababta maqnaansha Iniesta ka hadlaysa ayaa qoraalkeeda lagu yidhi: “Min 2009 ilaa 2016, taxanihii magacaabista Andres Iniesta waxa uu joogsatay 2017. Kaalinta labaad ayuu galay 2010 wuxuuna xidiga ree Spain ka soo muuqan waayay magacyada Ballon d’Or. Sanaduhu way socdaan, wixii khaaska ahaa ee xidiga ree Spain muu soo ifin sidii hore. Waxaana hubaal ah in arintan iyo in Barcelona ay soo dhibtootay ay arintan keentay”.

8-Manuel Neuer (ALL, Bayern Munich)

Maqnaanshaha goolhaye Neuer ayaa qoraalka lagu yidhi: ” Waxaa la magacaabay 2012kii wuxuuna xataa xaflada yimid 2014 kii, Manuel Neuer waxaa soo gaadhay dhaawacyo badan. Lug uu la soo dhibtootay, waxaa lagu qasbay in uu xili ciyaareedka joojiyo ilaa April ka hor intii aanu sanadkan 2017 laba usbuuc ka hor ka soo dhamaan, waxaana la filayaa in uu horaanta sanadka cusub soo laaban doono”.

9-Paul Pogba (FRA, Manchester United)

Maqnaansha Paul Pogba ee liiska France Football ayaa isna lagu yidhi: “Maqnaanshiiisu waxa uu lagama maar maan ka dhigayaa in France looga hadlo, waxa uu 2014 kii galay kaalinta 22 aad, 2015kii waxa uu galay kaalinta 15 aad isla markaana sanadkii hore waxa uu galay kaainta 14 aad. Paul Pogba waxba muu kordhin, waxaana sabab u ah bandhigiisa oo aan joogto ahayn”.

Qoraalka France Football oo sii socda ayaa Pogba looga hadlay waxaana lagu yidhi: “Haa, kali kumuu ahayn garoonka, sidaa daraadeedna kalidii masuul kamuu ahayn in Man United ay si niyadjab leh kaalinta lixaad ugu dhamaystay 2016/17, laakiin waxa uu ahaa midka wax badan laga filayay, si la mid ah gaar ahaan kooxda France oo aanu qancin samayn intii uu ku jiray”.

10-Alexis Sanchez (CHI, Arsenal)

Xidiga kale ee ay France Football sharaxday sababta loo reebay ayaa Sanchez ah waxaana qoraalka lagu yidhi: “Kadib kaalintii 10 aad ee uu galay 2015 kii markii labaad waxaa laga saaray musharixiinta. Dhiiqo ayuu ku dhex jiray 2017/18 wuxuuna Alexis Sanchez isku dayay in uu Arsenal u soo saaro Champions Leaque bishii May. Guul la’aan waxa uu sidii 2016 kii ku fashilmay in uu Gunners qaado wareegii 16 ka kooxood ee Champions Leaque”.

Waa Kuwee Horyaalada Ciyaartoyda Ugu Badan Ka Helay Liiska France Football Ee Ballon D’or 2017?

Horyaalka Spain ee La Liga ayaa sidii looga bartay helay ciyaartoyda ugu badan laakiin ma aha sidii uu sanadkii hore ahaa inkasta oo uu liiskan ka helay 11 ciyaartoy. Horyaalka Premier Leaque ayaa sanadkan sarre u soo kacay wuxuuna liiska France Football ka helay 7 ciyaartoy. halka horyaalka Talyaanigu uu qayb u helay 5 ciyaartoy. Horyaalka France ayaa helay 4 ciyaartoy halka horyaalka Germany uu hoo ugu dhacay halka ugu hoosaysa isla markanaa uu helay 3 ciyaartoy oo kaliya. Halkan kaga bogo xogan.

La Liga(11)Luka Modrić- Real Madrid,  Marcelo – Real Madrid, Sergio Ramos- Real Madrid,Toni Kroos- Real Madrid, Karim Benzema- Real Madrid,Cristiano Ronaldo- Real Madrid, Isco- Real Madrid, Luis Suarez- Barcelona,Lionel Messi- Barcelona ,Jan Oblak- Atletico Madrid,Antoine Griezmann- Atetco Madrid

Premier Leaque(7)N’Golo Kanté -Chelsea, Sadio Mane- Liverpool, Philippe Couitnho- Liverpool,Kevin De Bruyne  -Man City, David De Gea  – Man United, Harry Kane  -Tottenham, Eden Hazard- Chelsea

Serie A(5)Paulo Dybala- Juventus, Dries Mertens- Napoli, Edin Džeko- AS Roma, Gianluigi Buffon- Juventus, Leonardo Bonucci- AC Milan

Ligue 1(4)Neymar Jr- PSG, Edinson Cavani- PSG, Kylain Mbappe- PSG, Radamel Falcao- AS Monaco

Bundesliga(3) Robert Lewandowski  -Bayern Munich, Mats Hummels- Bayern Munich, Pierre-Emerick Aubameyang-Dortmund

Dhinaca kooxaha hadii aynu soo qaadano Real Madrid ayaa ah kooxda ciyaartoyda ugu badan heshay marka ay koox ahaan noqoto waxayna haysataa todoba ciyaartoy ugu sharaxan abaal marinta Ballon d’Or iyada o waliba Ronaldo uu ka mid yahay xidigaha ugu cad cad.

Kooxaha Barcelona, Liverpool, Atleetico Madrid, Chelsea iyo Bayern Munich ayaa liiskan ka helay min laba ciyaartoy halka PSG ay tahay kooxda saddexda ciyaartoy ka heshay balse laba ciyaartoy ayaan ku soo bixin bandhigii ay kooxdeeda ka gaysteen waana Neymar iyo Mbappe oo abaal marintan ugu soo baxay bandhigii ay kooxahoodii hore ka soo sameeyeen.

Waa Kuwee Tobanka Xidig Ee La Filayo In Ay Codka Ugu Badan Ka Heli Doonaan Suxufiyiinta Ballon d’Orka Go’aamin Doona?

Xaqiiq ahaantii si sax ah looga garan karo cida ay noqon doonaan tobanka xidig ee ugu codbadnaan doona laakiin waxaa kaliya ee la sii ogyahay ayaa ah in ayna wax badani iska badali doonin saddexda ciyaartoy ee ugu sarayn doona iyada oo la filayo in Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay markale noqon doonaan labada xidig ee ugu sarayn doona inkasta oo aan la ogayn mid ka ku guulaysan doona haddana Ronaldo ayaa dhinaca wax qabadka kooxeed ku horeeya halka Messi uu wax qabadka shaqsi ahaaneed ku horeeyo.

Nemar Jr, Antoine Griezmann ayaa la filayaa in ay kaalinta saddexaad iyo afraad ay kala gali karaan, laakiin waxaa kaalmaha hore ku haysta Eden Hazard oo markan ka mid ah xidigaha sida cad safka hore loogu saadaalinayo. Sergio Ramos, Paulo Dybala, Harry Kane, Luis Suarez iyo Robert Lewandowski ayaa ka mid ah xidigaha la filan karo in ay tobanka ugu sareeya ku soo bixi karaan balse waxay si rasmi ah ugu xidhnaan doontaa codbixinta la samayn doono.

Halkan Kaga Bogo Liiska Ciyaartoyda Markii Abid Ugu Horaysay Ku Soo Baxay Liika Ballon D’Or Ee Aan Hore Liiskan Loogu Arag Balse Hadda Musharixiinta Ballon D’Or Ka Midka Ah.

1-Leonardo Bonucci (AC Milan / Italy)

2-Philippe Coutinho (Liverpool / Brazil)

3-David De Gea (Manchester United / Spain)

4-Isco (Real Madrid / Spain)

5-Mats Hummels (Bayern Munich / Germany)

6-Harry Kane (Tottenham / England)

7-N’Golo Kanté (Chelsea / France)

8-Sadio Mané (Liverpool / Senegal)

9-Marcelo (Real Madrid / Brazil)

10-Dries Mertens (Naples / Belgium)

11-Kylian Mbappé (Paris-SG / France)

12-Jan Oblak (Atlético Madrid / Slovenia)

Ugu danbayn waxaa jira ciyaartoy aan magacooda la soo qaadin isla markaana bandhig fiican sameeyay oo aan ku soo bixin liiska France Football waxaana ka mid ah Romelu Lukaku, Diego Costa gaar ahaan hotaantii sanadkan intii aanu xili ciyaareedkii hore dhamaan, Sergio Busquets, Dani Carvajal, Casemiro, iyo xidigo la mid ah.

Haddaba akhriste, adiga ahaan marka aad aragtay liiska 30 ka ciyaartoy ee ku tartami doona abaal marinta Ballon D’Or, xidigee ayaad filaysaa in uu ku guulaysan doono abaal marintan? Miyay noqon doontaa markii ugu horaysay tan iyo wixii ka danbeeyay 2007 kii oo uu ku guulaysan doono xidiga aan ahayn Ronaldo ama Messi?. Fikradadaad waxaad noogu reebi kartaa qaybta hoose ee fariimaha Facebook, sidoo kale warbiixnta la wadaag asxaabta kale.

DIYAARINTII: Mahamoud Batalaale

Comments

comments