WARBIXIN: Goormaa La Samayn Doonaa Isku Aadka Koobka Aduunka? Qaabka Xulalka Loo Qaybin Doono Iyo Goobta Isku Aadku Uu Ka Qabsoomi Doono.

Isreeb reebka koobka aduunka ee Russia 2018 ayaa maraya heer gabogabo ah waxaana jira xulalka qaramada aduunka oo u nafbaxsan sidii ay boos uga heli lahaayeen koobka aduunka ee sanadka soo socda ka qabsoomi doona Russia. Marka la leeyahay sanadka soo socda waxay u muuqataa wax fog laakiin sanadka koobka aduunka la qaban doono ee 2018 waxaa inaga xiga in ka yar saddex bilood waxaana marka la soo gabagabeeyo kulamada koobka aduunka loogu soo baxayo la samayn doonaa isku aadka heerka groupyada koobka aduunka.

Xulalka qaramada aduunka ayay haddaba qaar badani tikidhka u goosteen Russia waxayna isku hubsadeen in ay ka mid yihiin xulalka qaramada aduunka ee nasiibka u yeeshay in ay Russia ku ciyaaraan 2018. Laakiin wadamo badan ayaa haddaba ku biiray liiska daawadayaasha tartankan halka kuwo kale ay wali leeyihiin rajo ay ku soo bixi karaan.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xog la xidhiidha koobka aduunka ee Russia 2018, waqtiga iyo goobta isku aadka lagu samayn doono, qaabka uu isku aadku u shaqayn doono iyo xog la mid ah halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Goorma Ayaa La Samayn Doonaa Isku Aadka Koobka Aduunka? Goobtee Ayaase Lagu Qaban Doona Xaflada Isku Aadka?

Haddaba meel ku sii qoro, waxaa isku aadka koobka aduunka la samayn doonaa maalinta jimcaha ah ee December 1,2017 waxaana xaflada isku aadka lagu samaynayaa ay ka dhici doontaa qasriga magaalada Moscow ku yaal ee State Kremlin Palace kaas oo ay soo fadhiisan karaan 6,000 lix kun oo qof.

Ayaa Ka Qayb Qaadan Doona Koobka Aduunka Ee Russia 2018?

Sida uu sharciga FIFA dhigayo waxaa si toos ah koobka aduunka ugu soo baxaya xulka qaranka Russia oo marti galinta booskiisa ku xaqiijistay laakiin waxaa jiraya 31 xul qaran oo ka soo kala baxaya lixda xidhiidh kubbadeed ee qaaradaha aduunka iyada oo wadamada Yurub ee ay UEFA maamushaa yihiin kuwa saamiga ugu badan oo 13 xul qaran ah kuleh koobka aduunka, waxaana ugu hooseeya Oceania oo hal xul qaran oo New Zealand ahi uu ka qayb gali doono haddiiba ay soo dhaafaan kulamada Play-offka ee ay la ciyaari doonaan qaranka kaalinta shanaad kaga dhamaysan doona South America.

Wamada ilaa hadda u soo baxay koobka aduunka ee Russia 2018 waxay kala yihiin:

Qaramada Yurub: Russia, Belgium, England, Spain iyo Germany

Qaramada South America: Brazil

Qramada Waqooyiga America: Costa Rica, Mexico

Qaramada Asia: Iran, Japan, Saudi Arabia, South Korea.

Qaramada Africa: Nigeria

Waqtiga Kulamada Play-offka ama Kala Baxa La Ciyaari Doono:

Marka la ciyaaro kulamada ugu danbeeya ee isreeb reebka koobka aduunka waxaa jiri doona qaramo markale heli doona kulamada kala baxa ee loo yaqaan Play-offka waxaana haddaba ka mid ah Scotland, Wales, Northern Ireland iyo Republic of Ireland isla mid ah New Zealand waxaana kulamadan oo marti iyo minan noqon doona la ciyaari doonaa November 9-11 iyo November 12-14. Kadib markaas waxaa dhamaystirmi doona 32 ka xul qaran ee December 1 isku aadka loo samayn doono.

Qaabkuu U Shaqeeyaa Isku Aadka Koobka Aduunku?

Marka November 14, la hubsado dhamaan 32 ka xul qaran ee iskugu soo baxay koobka aduunka waxay FIFA soo saari doontaa qiimaynta xulalka qaramada aduunka waxaana qiimayntan oo aad muhiim u noqon doonta lagu dhawaaqi doonaa October 16, 2017. Qiimaynta bisha October ee qaramada aduunka ayaa lagu samayn doonaa isku aadka iyada oo todobada xul qaran ee ugu qiimaynta sareeyaa ay Russia kula biiri doonaan Pot 1.

Kadib sida ay xulalka kale u kala qiimayn sareeyaan ayaa loogu habayn doonaa min qaybaha kale ee Potska soo hadhay  waxaana sida ay hadda u taagan tahay Pot1 wada gali doona Germany, Brazil, Portugal, Argentina, Belgium, Poland, Switzerland iyo Russia halka Pot2 ay ku wada jiri doonaan France, Spain, Wales iyo England haddii ay qiimayntu noqoto mid la mid ah tii ugu danbaysay. Sidaa daraadeed, qiimaynta qaramada aduunka ee October ayaa saamayn wayn ku yeelan doonta isku aadka koobka aduunka.

Waxa uu isku aadku ka koobnaan doonaa min Group A ilaa Group H oo ay midkiiba ku jiri doonaan afar xul qaran waxayna ku xidhan tahay qiimaynta October haddii xulal qaramo waa wayni ay isku Group noqon doonaan.

Goorma Ayuu Koobka Aduunka Bilaami Doonaa?

FIFA waxay haddaba sii cadaysay isla maalinta uu bilaami doono koobka aduunka ee Russia 2018 waxaana kubbada ugu horaysa laysku taaban doonaa maalinta khamiista June 14,2018 iyada oo xaflad wayn loo qaban doono waxaana sidii caadada ahayd lagu furi doonaa kulan ay Russia ciyaari doonto. Wuxuuna koobka aduunku dhamaan doonaa insha Allah July 15,2018.

Comments

comments