Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska Maanta Oo Sabti Ah

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.

daily mirror

Chelsea ayaa ku dhawaaneysa inay heshiis 65 milyan ginni kula soo wareegto weeraryahanka reer Gabon ee Borussia Dortmund Pieere-Emerick Aubameyang.

Tababare Jose Mourinho ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu Manchester United dib ugula midoobi karo xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Nemanja Matic.

Rajada uu goolhayaha Leicester City Kasper Schmeichel ka qabo inuu ku biiro Manchester United ayaa sii kordheysa iyadoo Real Madrid ay qorsheyneyso dalab cusub oo ay ka gudbiso goolhaye David de Gea.

Tababaraha Everton Ronaldo Koeman ayaa qirtay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe Ross Barkley inuusan kala cadeyn.

the sun

Tababare Harry Redknapp ayaa doonaya inuu si lama filaan ah Ingariiska ugu soo celiyo daafaca bidix Ashley Cole isagoo kala soo wareegaya kooxda LA Galaxy islamarkaana keenaya Birmingham.

Tababare Arsene Wenger ayaa fariin qoraaleed kula hadlaya weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez si uu uga dhaadhiciyo inuu sii joogo kooxda.

Liverpool ayaa ku dhow inay Hull City kala soo wareegto daafaca bidix ee Scotland Andy Robertson heshiis 8 milyan ginni ah.

daily express

Juventus ayaa ku dhow inay dalab 40 milyan ginni ah ka gudbiso xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Nemanja Matic.

daily mail

Tababare Jose Mourinho ayaa sheegay in Manchester United u baahan tahay labo saxiix kale xagaagan.

Everton ayaa ku dhow saxiixa xiddiga Newcastle Lewis Gibson iyadoo tababare Ronald Koeman uu sii wada dib u dhiska kooxda ee xagaagan.

Comments

comments