Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargaysyada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Sabti Ah Iyo Xidigaha Lakala Doonayo.

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. Kooxaha Yurub ayaa si wayn ugu dagaalamaya in ay kooxahooda xoojin wayn u sameeyaan ka hor inta aanu suuqu xidhmin.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1 wuxuuna xidhmi doonaa August 31, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa isha soo marisay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay wargaysyada Ingiriisku ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo sabti ah waxaanad kaga bogan kartaa halkan hoose. Wargayskasta wararka aanu idiinka soo qaadanay ayaa qaybtiisa ku qoran.

Barcelona ayaa dareenkeeda ku soo jeedinaysa xidiga kooxda Tottenham iyo xulka qaranka Denmark ee Christian Eriksen waxayna doonaysaa in ay 25 kadib markii ay Liverpool si adag u diiday in ay iibiso Philippe Coutinho. (Independent)

Liverpool ayaa markii ay todobaadkan wada xaajoodka kula jirtay wakiilada Barcelona ee doonayay in ay la wareegeen  Coutinho waxay u sheegtay in  150 oo euros uu xidiga ree Brazil kaga bixi karo kooxdeeda. (Daily Record)

xidiga kooxda Borussia Dortmund ee Ousmane Demebele ayaa bartilmaameedka ugu sareeya wali u ah kooxda Barcelona waxayna diyaarinaysaa dalab cusub oo 140 milyan oo euros ah si ay Dortmund ugu qanciso in ay 20 sano jirkan u ogolaato inuu Camp Nou ku biiro. (AS)

Haddii ay Barcelona ku fashilanto saxiixyada Coutinho iyo Dembele waxay u jeedsan doontaa xidiga kooxda Inter Milan ee waqtiga dheer bartilmaameedka Manchester United u soo ahaa ee Ivan Perisic.(Sport Italia )

Paris St-Germain ayaa da’yarka kooxda AS Monaco ee Kylian Mbappe u soo bandhigtay mushaar 18 milyan oo euros ah sanadkii isaga oo kooxdeeda u saxiixi doona qandaraas shan sano ah waxayna PSG doonaysaa in ay 18 sano jirkan ka dhigto xidiga labaad ee aduunka ugu qaalisan.(L’Equipe )

Xidiga kooxda PSG ee Angel Di Maria ayaa si lama filaan ah bartilmaameed ugu noqday Barcelona oo wali suuqa ka raadinaysa ciyaartoydii ay ku kharash garayn lahayd lacagtii badnayd ee ay iibkii Neymar ka heshay. Di Maria oo xagaagan ka bixi kara PSG si ay sharciga dhaqaale wanaaga UEFA ugu hogaansanto ayaa doorasho u noqday Barcelona.(Sport)

Kylian Mbappe waxa uu si wayn u doonayaa in uu PSG ku biiro laakiin ilaa hadda wax heshiis ah may gaadhin kooxaha AS Monaco iyo PSG.(ESPN)

Arsene Wenger ayaa sheegay in ay jirtay waqtiga uu Olivier Giroud u sheegay in uu kooxda ka bixi karo balse kadib guushii Leicester City waxa uu Wenger xaqiijiyay in Giroud uu sii joogto doono isaga oo xusay in uu kooxda jecel yahay isla markaana ay iyaguna jecel yihiin xidiga ree France.(Sky Sports)

Real Madrid ayaa soo gabagabaysay xiisihii ay u qabtay saxiixa da’yarka kooxda AS Monaco ee Mbappe iyada oo ay suurtogal tahay in ay ku soo jeedsato sidii ay Chelsea ugala soo wareegi lahayd  Eden Hazard (Don Balon, Daily Star)

Chelsea ayaan wali wax dalab labaad ah ka gudbin xidiga uu Antonio Conte doonaya in uu badal u noqdo Matic ee Danny Drinkwater, waxayna Leicester City hore u soo diiday dalab ku qiimaysnaa 15 milyan gini oo ay Blues ku doonaysay 27 sano jiran ree England. (Telegraph)

Ousmane Demebele ayaa qof kasta oo kooxdiisa Dortmund ka tirsan waxa uu iska diiday in uu telefoon ama wax xidhiidh ah la sameeyo isaga oo ka cadhaysan in maamulka kooxdiisu ay diideen dalabkii ay Barcelona ku doonaysay 20 sano jirkan, wuxuuna sugayaa dalabka cusub ee ay Balaugrana ka soo gudbin doonto.(Kicker)

Real Madrid ayaa cabsi ay ka qabto kooxda PSG waxay heshiiska cusub ee Isco ku dartay qodob sheegaya in qandaraaskiisa cusub lagu burburin karo 700 milyan euros oo u dhiganta 637 milyan gini wuxuuna saxiixay heshiis cusub oo shan sano ah isla markaana uu hal sano oo dheeraad ah uu doorasho u haysto balse wali Madrid ayaan heshiiskan ku dhawaaqin.(AS)

Tottenham oo wali xagaagan suuqa ka maqan ayaa kooxda Celta Vigo xidhiidh kala samaysay xidiga khadka dhexe ee Pape Cheikh Diop laakiin Spurs ayaa tartan kala kulmaysa kooxda Lyon oo iyaduna doonaysa 20 sano jirakan(Daily Mail)

Diego Costa ayaa maxkamada la koraya maamulka kooxdiisa isaga oo kaga dhabanaya go’aankii uu garyaqaankiisu hanjabaada adag ugu diray Antonio Cone iyo kooxdiisa Blues, wuxuuna Costa kooxda laga ganaaxay ee Blues uga cadhaysan yahay in ay hortaagan yihiin sidii uu Atletico Madrid ugu biiri lahaa(Daily Mirror)

Real Madrid ayaa ka baxday xiisihii ay u haysay goolhayayaasha Chelsea iyo Manchester United ee Thibaut Courtois iyo David De Gea.(Don Balon, Express)

In Philippe Coutinho uu kooxdiisa u gudbiyay warqada uu ku dalbaday in Barcelona laga iibiyo ayaa dagaal ka dhex abuurtay kooxdiisa iyada oo jamaahiirtii Reds ee xidiga ree Brazil daacada u ahaa dagaal kala hor imanaya laakiin maamulka Reds ayaa doonaya in ayna dheg u dhigin codsiga Coutinho oo ay kooxdooda ku sii hayaan(Daily Mirror).

 

 

Comments

comments