War Cusub Oo Dhegaha Jamaahiirta Liverpool U Fiican Oo Ka Soo Baxay Xaalada Adag Ee Virgil van Dijk.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa bartilmaameedka kowaad ee xoojinta difaaca kooxdiisa xagaagan ka dhigtay Virgil van Dijk laakiin kooxaha Liverpool iyo Southampton ayaa isku seegay xaalada xidigan kadib markii ay maamulka Saints dacwad u direen Premier Leaque-ga waxayna Liverpool ku eedeeyeen in ay hab sharci daro ah kula xidhiidheen Virgil van Dijk.

Markaas ayay Liverpool qasab ku noqotay in ay bixiso raali galin ay saxaafada u marisay maamulka iyo mulkiilayaasha Southampton waxayna sidoo kale u dirtay raali galin khaas ah si ay uga badbaado in maamulka Premier Leaque-ga ay ciqaab adag kala kulanto.

Laakiin iyada oo Jurgen Klopp uu ka cabsi qabay in gabi ahaanba uu waayo rajadii uu ka qabay in Virgil van Dijk uu xagaagan ku soo biiro kooxdiisa ayay dhawaan soo baxayeen warar sheegaya in Virgil van Dijk uu maamulka kooxdiisa ku war galiyay in waxa kaliya ee uu doonayaa ay tahay in uu Liverpool ku biiro xagaagan.

Laakiin wargayska The Sun ayaa war farxad leh u sheegay Jurgen Klopp iyo jamaahiirta kooxdiisa ee ku riyoonayay in ay arkaan Virgil van Dijk oo maaliyada cas xidhan, wuxuuna wargayska The Sun uu shaaca ka qaaday in hadda uu xidiga ree Holland diyaar u yahay in uu warqada codsiga bixitaankiisa uu maamulka Southampton uu farta ka saaro.

Macalinka cusub ee Southampton ee Mauricio Pellegrino ayaa sheegay in xidig aan faraxsanayn aanu kooxdiisa ku sii hayn doonin taas oo rajo fiican u abuurtay Virgil van Dijk kaas oo hadda tixgalinaya in uu gudbiyo warqada uu kooxdiisa kaga dalbanayo in Liverpool laga iibiyo.

Jurgen Klopp ayaa aaminsan in 26 sano jirkan ree Holland ee Virgil van Dijk  uu xalin doono mushkilada difaac ee kooxdiisa waqti dheer soo haysatay waxayna Liverpool wali xidigan ka bixin kartaa lacag qaali ah oo ku dhaw 60 milyan oo gini inkasta oo haddii uu Virgil van Dijk  gudbiyo warqada codsiga bixitaankiisa ay fursad wayn heli doonto.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool oo maanka ku haysa xaaladii adkayd ee ay ka soo martay qaabkii ay Virgil van Dijk ugu gacan dhaaftay Southampton ayaan xaalada ku deg degi doonin waxayna hadda kubbadu taal dhinaca xidigan kaas oo kooxdiisa ku qasba in loo ogolaado in uu Liverpool ku biiro.

Comments

comments