Waa Kuwee 15-kii Saxiix Ee Ugu Xumaa Ee Ay Arsenal Samaysay? Iyo Arsene Wenger Oo Saxiixyadan U Sameeyay Gunners.

Muddadii 20 ka sano ka badnayd ee uu Arsene Wenger soo maamulayay kooxda Arsenal waxa uu kooxda keenay ciyaartoy badan oo heer caalami ah halka uu soo saaray ciyaartoy badan oo da’yar ahayd balse markii danbe noqday kuwo heer sarre ah, laakiin waxaa jirta ciyaartoy badan oo uu Arsene Wenger la soo wareegay kuwaas oo si buuxda ugu fashilmay in ay kooxdiisa si buuxda ula qabsadaan.

Haddaba waa kuwee 15 kii saxiix ee uu Arsene Wenger ka sameeyay Arsenal ee ugu xumaa?.  Arsene Wenger ayaa Gunners soo maamulayay waqtiyo fiicnaa iyo marar ay xaaladu si wayn ugu adkayd waxa uu la soo shaqeeyay ciyaartoydii hore oo uu ka mid ahaa Thierry Henry ama kooxda uu hadda Alexis Sanchez ka tirsan yahay balse halkan kaga bogo liiska ciyaartoydii aanu Wenger saxiixooda ku guulaysan.

Ciyaartoyda  Arsenal ku fashilmay waxaa ku jira kuwo aan tayo ahaan u liidan balse koox ahaan la qabsan waayay waxaana ka mid ah Andrey Arshavin kaas oo 19 milyan oo eruos sanakdii 2009 kii Arsenal ugaga soo biiray kooxda Zenit iyo waliba Gervinho oo isna 10.8 milya gini sanadkii 2011 kii kaga soo biiray kooxda Lille.

Haddaba Halkan Kaga Bogo Liiska Ciyaartoyda Uu Arsene Wenger La Soo Wareegay Ee Ku Fashilmay Gunners, Waqtigii ay Ku Soo Biireen Iyo Waliba lacagtii ay Kooxda Ugu Soo Biireen:

ANDREY ARSHAVIN | Ka Soo wareegay Zenit | €19m | 2009

AMAURY BISCHOFF Si Xor ah | 2008

MAROUANE CHAMAKH | Si Xor ah | 2010

DENILSON |Ka Soo wareegay Sao Paulo | £3.4m | 2006

GERVINHO | Ka Soo wareegay Lille | £10.8m | 2011

DAVID GRONDIN |Ka Soo wareegay Saint-Etienne | £500k | 1998

FRANCIS JEFFERS | Ka Soo wareegay Everton | £8m | 2001

OLEG LUZHNY | Ka Soo wareegay Dynamo Kyiv | £2.3m | 1999

STEFAN MALZ | Ka Soo wareegay 1860 Munich | £650k | 1999

ALBERTO MENDEZ | Ka Soo wareegay SC Feucht | €375k | 1997

ANDRE SANTOS | Ka Soo wareegay Fenerbahce | €7m | 2011

IGORS STEPANOVS | Ka Soo wareegay Skonto Riga | £1.3m | 2000

SEBASTIEN SQUILLACI | Ka Soo wareegay Sevilla | £6.5m | 2010

CHRISTOPHER WREH | Ka Soo wareegay AS Monaco | £300k | 1997

PARK CHU-YOUNG | Ka Soo wareegay AS Monaco | £5.5m | 2011

Comments

comments