Waa Kuma Xiddiga Chelsea Jooga Ee Wakiilka Isku Bedelaya Ee Doonaya Inuu Kooxdiisa Keeno Timo Werner Kana Hor Qaado Liverpool?

Daafaca dhexe ee kooxda Chelsea ee Antonio Rudiger ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu hawl shaqsiyan ah ka qabto xiisaha ay kooxdiisu u muujinayso weeraryahanka RB Leipzig ee Timo Werner oo sidoo kale aad loola xidhiidhinayo Liverpool.

Kaddib wacdarro uu xilli ciyaareedkan dhigay iyo inuu 30 gool kusoo dhaliyay 39 kulan, Timo ayaa xiiso ka helaya qaar kamida kooxaha ugu waaweyn Yurub iyadoo ay u badan tahay inuu xagaaga koox cusub yeelan doono.

Chelsea transfer boost as Rudiger tries to convince Liverpool and ...

Weeraryahankan ree Germany ayaa la aaminsanaa inuu xoog u doonayo inuu ku biiro Liverpool iyadoo kooxdaas loo arkayay kooxda hoggaanka u haysa qorshaha lacagta 49 Milyan ee Pound ah loogu bur-burinayo heshiiskiisa Leipzig.

Laakiin Liverpool ayaa gabi ahaanba ka baxday heshiiska mana doonayaan inay ku bixiyaan saxeexa 24 sano jirkan wax ka badan 30 Milyan oo Pound kaddib dhaqaale xumo uu keenay caabuqa Korona.

Haatan Chelsea ayaa qaadaysa markeeda weerar iyagoo adeegsana Rudiger oo ay Werner kusoo wada ciyaareen xulka qaranka Germany iyo waliba kooxda Stuttgart.

Sida uu sheegayo wargeyska Bild, labadan ciyaaryahan ayaa ah asxaab dhaw waxaana uu Rudiger haatan u sheegayaa saaxiibkiisa Werner inuu kula soo biiro Stamford Bridge.

Dhinaca kale warbixinta ayaa xusaysa in tababare Frank Lampard uu bilooyin si dhab ah u doonayay saxeexa Werner oo uu doonayo inuu ka dhigo udub dhaxaadka safkiisa weerarka xilli ciyaareedka dambe.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*