WARBIXIN: UEFA Oo Faah Faahin Ka Bixisay Sida Uu Xili Ciyaareedka Cusub Ee Champions Leaque-gu U Qaabaysmayo,Kooxaha Guud Ee Ku Jira Iyo Sida Kooxaha Isku Aadka Loogu Habayn Doono.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa faah faadhin dheeraad ah ka bixiyay sida uu u qaabaysmayo tartanka ugu xiisaha badan kubbad cagta aduunka ee Champions Leaque-gu. UEFA ayaa si rasmi ah u shaacisay dhamaan kooxaha waqti xaadirkan qaybta ka ah Champions Leaque-ga waxayna iskugu jiraan kooxo haddaba u soo baxay heerka Groupyada iyo kuwo dhibaato badan u soo maraya in ay soo gaadhaan 32 ka kooxood ee isku aadka loo samayn doono.

UEFA ayaa shalay samaysay isku aadka isreeb reebka saddexaad ee Champions Leaque-ga, waxaana soo dhawaanaya waqtiga la ogaan doono kooxaha xili ciyaareedka cusub ka soo muuqan doona heerka Groupyada ee magaalada Nyon loogu samayn doono isku aadka heerka Groupyada.

Marka isku aadka heerka Groupyada Champions Leaque-ga la samaynayo waxaa loo qaybin doonaa 8 group oo ay midkiiba kuwada jiraan 4 kooxood iyada oo siddeeda group ay hogaamin doonaan kooxaha haddaba sida rasmiga ah loo xaqiijiyay ee kujira Pot1 waana kooxihii ku soo guulaystay horyaalada Yurub ugu waa wayn iyo waliba kooxda koobka Champions Leaque-ga ku soo guulaystay ee Real Madrid.

Laakiin marka laga yimaado Pot1 oo ay ku jiraan kooxda koobka Champions Leaque-ga ku soo guulaystay iyo kooxaha horyaalada Yurub ugu waa wayn soo hantay, waxaa wali qabyo ah min Pot2 ilaa Pot4 oo ay UEFA si rasmi ah u shaacin doonto marka isreeb reebyada la soo gabagabeeyo. Waxaa jira kooxo haddaba og qaybta ay isku aadka ka gali doonaan iyo kuwa aan wali xaqiijisan in ay heerka Groupyada soo gaadhi doonaan.

Sidoo kale marka isku aadka heerka Groupyada Champions Leaque-ga la samaynayo waxaa shuruud ah in ayna isku group noqon karin laba kooxood oo iksu wadan ah halka ayna sidoo kale isku group noqon karin laba kooxood oo isku Pot kuwada jiraa. Tusaale ahaan Real Madrid iyo Bayern Munich oo ku wada jira Pot 1 ayaan isku group noqon karin si la mid ah kooxaha isku wadanka ah ee Real Madrid iyo Barcelona.

Kooxaha U Soo Baxay Heerka Groupyada Champions Leaque Ee Sida Rasmiga Ah Ay UEFA U Xaqiijisay In Ay Pot 1 Kuwada Jiraan.

Sida aad koox kasta ka arki karto waxaa ku hor qoran qiimaynta ay UEFA ka haysato oo ku xidhan natiijooyinkii ay tartamada Yurub koox kastaaba ka soo gaadhay shanti xili ciyaareed ee ugu danbeeyay, waxaana qiimaynta koox kasta muhiim u ah halka ay isku aadka ka galayso, makra laga reebo in ay ku soo guulaysatay koob horyaalada Yurub ugu waa wayn ah.Halkan kaga bogo qiimaynta iyo kooxaha ku waada jira Pot1 ee Groupyada Champions Leaque-ga hogaamin doona.

Pot 1: Real Madrid (ESP,) Qiimaynta UEFA 176.999, Bayern München (GER) 154.899,Juventus (ITA) 140.666, Benfica (POR) 111.866 ,Chelsea (ENG) 106.192, Shakhtar Donetsk (UKR) 87.526,Monaco (FRA) 62.333 ,Spartak Moskva (RUS) 18.606

Sida uu sharciga UEFA dhigayo dhamaan siddeeda group ee laga samayn doono Champions Leaque-ga waxaa mid kasta oo ka mid ah hogaamin doonta koox ka tirsan Pot1 laakiin marka ay soo dhamaadaan isreeb reebyada hadda socda, waxay UEFA si buuxda u shaacin doontaa kooxaha ku jiri doona Pot2- Pot4 iyada oo marka isku aadka la samaynayo uu Group kastaaba ka koobnaan doono min hal koox oo laga soo xulay Pot 1, Pot 2, Pot 3 iyo Pot 4, waxaana isku aadka heerka Groupyada Champions Leaque-ga la samayn doonaa August 24.

Halkan Kaga Bogo Kooxaha Pot 2 Kuwada Jira Iyo Kooxda Sevilla Oo Aanu Wali Booskeedu Rasmi Ahayn:

Pot 2 (provisional): Barcelona 151.999, Atletico Madrid 142.999, Paris Saint-Germain 126.333, Borussia Dortmund 124.899, Sevilla 112.999*, Manchester City 100.192, Porto 98.866, Manchester United 95.192

Kooxaha Pot 2 ku jira waxaan wali booskeeda hubaal ka dhigin kooxda Sevilla oo soo gali doonta kulamada Play-offka ee heerka Groupyada Champions Leaque-ga lagu soo gaadhayo, laakiin todobada kooxood ee kale ayaa xaqiijistay in ay soo gaadheen heerka Groupyada Champions Leaque-ga waxayna qayb ka yihiin kooxaha isku aadka loo samayn doono August 24.

Haddii ay Sevilla soo dhaafi waydo kulamada Play- Offka koox kale oo qiimaynta UEFA meel sarre kaga jirta  ayaa booskeeda qaadan doonta. Dhamaan kooxaha ku jira Pot2 waxay halis ugu jiraan in lagu aadiyo kooxhaa ku jira Pot 1 marka laga reebo kooxaha isku wadanka ah.

Inta Badan Kooxaha Ku Jira Pot 3 waa Kuwo ku Meel Gaadh Ah Oo Isbadal Lagu Samayn karo Inta Ugu badan maadaama oo ay Kooxaha Ku Jiraa Ay Isreeb Reeb Soo Galyaan.

Pot 3 (ku meel gaadh): Napoli 88.666*, Tottenham 77.192, FC Basel 74.415, Dynamo Kiev*, Ajax*, Olympiakos*, Anderlecht 58.840, Liverpool  56.192*.

Kooxaha Napoli, Dynamo Keiv, Ajax iyo Olympiakos ayaa marka hore u baahan si ay u xaqiijistaan booskooda Pot 3 in ay ka soo gudbaan isreeb reebka wareega saddexaad iyo waliba kulamada Play-offka si la mid ah Liverpool oo u baahan in ay ka soo gudubto kulamada Play-offka, sidaa daraadeed kooxahan ayaa booskooda waayi doona haddii ayna soo dhaafin kulamada isreeb reebka waana sababta ay ku meel gaadh ahaan ugu jiraan qaybtan.

Pot 4: Dhamaan siddeeda koxoood ee qaybtan gali doona wali lama shaacin laakiin waxaa soo gali kara kooxaha kala ah Anderlecht (BEL) 58.840, Roma (ITA) 53.666,Beşiktaş (TUR) 45.840,Feyenoord (NED) 23.212,RB Leipzig (GER) 15.899 iyo waliba kooxo ay tahay in ay isreeb reebka ka soo gudbaan laakiin UEFA ayaa si rasmi ah u shaacin doonta qaybtan kooxhaa gali doona marka natiijada isreeb reebyada la soo gabagabeeyo.

Laakiin haddii kooxaha ku jira Pot 3 ay ka soo gudbiyaan isreeb reebka kooxaha qiimaynta UEFA ee ugu saraysta eek u jiri lahaa Pot 4 ayaa la soo dalacsiin doonaa.

Wareega Play-off round (Isku Aadkiisa 4 August)

Isku aadka kulamada Play-offka heerka Groupyada Champions Leaque-ga loogu soo baxayo waxaa loo samayn doonaa 15 kooxood oo ka soo bixi doona isreeb reebka wareega saddexaad oo aanu qaybta hoose kooxaha ku jira idiinku soo gudbin doono waxaana ku soo biiri doona kooxihii kaalmaha afraad ama saddexaad kaga soo dhamaystay horyaalada Yurub ugu waa wayn waxayna kooxaha waa wayn ee isku aadka Play-offka ku soo biiri doonaa ay kala yihiin Liverpool, Sevilla, Napoli,Sporting Lisbon iyo Hoffenheim.

Kooxaha Kaalmihii Ay Horyaalka Kaga Dhamaysteen Champions Leaque-ga Ugu Soo Baxay:
Sevilla (ESP) 112.999
Napoli (ITA) 88.666
Liverpool (ENG) 56.192
Sporting CP (POR) 36.866
Hoffenheim (GER) 15.899

Shan kooxood oo ka soo bixi doona isreeb reebka saddexaad ayaa qaybtan soo gali doona waana kooxaha hogaamin doona isku aadka kulamada Play-offka. 

Isku Aadka Isreeb Reebka Saddexaad(Taariikhda Kulamadan La Ciyaari doono 25 & 26 July/1 & 2 August)

Kooxaha Kaalimihii Ay Horyaalada Kaga Dhamaysteen Ku Soo Baxay

FCSB (ROU) v Viktoria Plzeň (CZE)
Nice (FRA) v Ajax (NED)
Dynamo Kyiv (UKR) v Young Boys (SUI)
AEK Athens (GRE) v CSKA Moskva (RUS)
Club Brugge (BEL) v İstanbul Başakşehir (TUR)

Kooxihii Koobabka Ku Soo Guulaysteen Ee Champions Leaque-ga Ugu Soo Baxay Ee Isreeb Reebka Wareega Saddexaad Qaybta Ka Ah

Slavia Praha (CZE) v BATE Borisov (BLR)/Alashkert (ARM)
Spartaks Jūrmala (LVA)/Astana (KAZ) v IFK Mariehamn (FIN)/Legia Warszawa (POL)
Zrinjski (BIH)/Maribor (SVN) v FH Hafnarfjördur (ISL)/Víkingur (FRO)
Žilina (SVK)/København (DEN) v Malmö (SWE)/Vardar (MKD)
Linfield (NIR)/Celtic (SCO) v Dundalk (IRL)/Rosenborg (NOR)

Hapoel Beer-Sheva (ISR)/Honvéd (HUN) v Žalgiris Vilnius (LTU)/Ludogorets (BUL)
Viitorul (ROU) v APOEL (CYP)/Dudelange (LUX)
Hibernians (MLT)/Salzburg (AUT) v Rijeka (CRO)/TNS (WAL)
Qarabağ (AZE)/Samtredia (GEO) v Sheriff (MDA)/Kukësi (ALB)
Partizan (SRB)/Budućnost Podgorica (MNE) v Olympiacos (GRE)

Qaabka Uu U Socon Doono Jadwalka Champions Leaque-gu Oo Ka Bilaami Doona Isku aadka Soo Socda ee Kulamad Play Offka oo ay qayb ka noqon doonaan kooxaha ka soo bixi doona isku aadka sarre ee isreeb reebka wareega saddexaad ee aan hadda idiin soo gudbinay oo lagu daray kooxihii kaalmaha afraad ama saddexaad kaga soo dhamaystay horyaalada Yurub ugu waa wayn.

04/08/17: Isku Aadka Wareega Play-off-ka

15–16/08/17: Kulamada lugta hore ee wareega Play-off-ka

22–23/08/17: Kulamada lugta labaad ee wareega Play-off-ka

24/08/17: Isku Aadka Heerka Groupyada Champions Leaque-ga 

12–13/09/17:  Kulamada Kowaad heerka Groupyada Ee Champions Leaque

26–27/09/17: Kulamada Labaad heerka Groupyada Ee Champions Leaque

17–18/10/17: Kulamada Saddex heerka Groupyada Ee Champions Leaque

31/10/17–01/11/17: Kulamada afraad heerka Groupyada Ee Champions Leaque

21–22/11/17: Kulamada shanaad heerka Groupyada Ee Champions Leaque

05–06/12/17: Kulamada lixaad heerka Groupyada Ee Champions Leaque

11/12/17:  Isku Aadka Wareega 16 ka Kooxood Ee Champions Leaque

13–14/02/18 and 20–21/02/18: Kulamada Lugta hore ee wareega 16ka

06–07/03/18 and 13–14/03/18: Kulamada Lugta labaad ee wareega 16ka

16/03/18: Isku Aadka Siddeed Dhamaadka Champions Leaque

03–04/04/18: Kulamada lugta kowaad ee Siddeed Dhamaadka Champions Leaque

10–11/04/18: Kulamada lugta labaad ee Siddeed Dhamaadka Champions Leaque

13/04/18: Isku Aadka Wareega Afar Dhamaadka Champions Leaque

24–25/04/18: Kulamada lugta kowaad ee afar Dhamaadka Champions Leaque

01–02/05/18: Kulamada lugta labaad ee afar Dhamaadka Champions Leaque

26/05/18: Final Champions Leaque (NSK Olimpiyski, Kyiv)

Comments

comments