Sergio Busquets Oo Maanta Seegay Tababarka Guud Ee Kooxda Barcelona, Kahor Kulanka Ay Sabtida Booqan Doonaan Kooxda Atletico Madrid.

Khadka dhexe kooxda Barcelona Sergio Busquets ayaa ka maqnaa tababarkii ay saakay oo khamiis ah sameysay kooxda ree Catalonia, inkastoo uu dib kaga soo laabtay xerada tababarka xulkiisa qaran ee Spain.

Wargeyska Isbaanishka ah ee “Sport” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xidigaha Sergio Busquets, Jordi Alba iyo laacibka ree Croatia Ivan Rakitić ay ugu dambeyntii dib ugu soo laabteen xerada tababarka kooxda ree Spain, kadib marka ay soo gaba gabeeyeen kulamada isreeb reebka koobka aduunka sanada 2018.

Laakiin xidigaha Ivan Rakitić iyo Jordi Alba ayaa waxay si buuxda kaga qeyb qaateen tababarkii maanta oo khamiis ah ay qaadatay Barcelona, halka Sergio Busquets uu tababa kula qaatay qolka gym-ka kabtanka kooxda Andres Iniesta.

Dhammaan ciyaartoyda reer Latin ayaan weli ku soo laaban tababarka kooxda ree Spain ee Barcelona, inkastoo ay dib u soo laabteen xidigaha Lionel Messi, iyo Javier Mascherano, subaxnimadii saakay ee Khamiista ah iyadoo uu wali kasii maqan yihiin Luis Suarez.

Sidoo kale waxaan dib ugu soo laaban Cump Nou xidigaheeda kasoo jeeda yurub, gaar ahaan xili kulamadii ugu dambeeyay ee laga ciyaaray isreeb reebka koobka aduunka la ciyaaray koobka aduunka sanada 2018.

Sergio Busquets ayaa wuxuu u dabaal dagay dhawaan kulankiisii 100-aad ee xulka qaranka Spain, kulankoodii ugu dambeeyay Isreeb reebka loogu soo baxayo koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia ay kula ciyaareen Israel. Si kastaba ka maqnaanshiyaha laacibka tababarkii maanta ayaa la shaki galinayaa inuu ka maqnaan doono kulanka Sabtida ay booqan doonaan Atlántico Madrid.

 

Comments

comments