RASMI: Xeer Ilaaliye Dacwad Ku Soo Oogay Madax Waynaha PSG Ee Nasser Al-Khelaifi Iyo Kiis Musuq Maasuq Oo Lagu Soo Dacweeyay.

Madax waynaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa dhexda ugu jira kiis musuq maasuq iyada oo xeer ilaaliye uu dalka Switzerland dacwad kaga soo oogay maalqabeenka ree Qatar.Xeer ilaaliyaashan  kasoo jeeda Switzerland ayaa furay dacwad dambiyadeed ka dhan ah madaxweynaha Paris Saint Germain Nasser Al-Khelaifi iyadoo lagu soo eedeynayay inuu laaluush ku bixiyay sidii loo siin lahaa xuquuda baahinta kulamada koobka Aduunka.

Sacwada lagu soo ogay madax waynaha PSG ee AL Khelaifi ayaa xidhiidh la leh  baadhitaankii joogtada ahaa ee lagu samaynayay  xoghayihii hore FIFA ee Jerome Valcke, taasoo la xidhiidha in laga iibiyay xuquuqda baahinta koobka Aduunka TV-ga BeIN Sports ee uu Nasser Al-Khelaifi a yahay madaxa fulinta.

Sanadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii xafiiska xeer ilaalinta guud ee Switzerland (OAG) ay shaaca ka qaadeen in baaritaano kala duwan oo la xiriirta dhanka maamul xumada ay ku sameynayaan Jerome Valcke.

Bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaasha guud ee Switzerland ayaa lagu sheegay in maanta la furay dacwado uu ku lug leeyahay madaxweynaha Paris Saint Germain ee Nasser Al-Khelaifi.

Qoraalka xafiiska xeer ilaalinta guud ee Switzerland ka soo baxay ayaa lagu yidhi: “Waxaa laga shakiyay Jerome Valcke inuu aqbalay faa’iidooyin aan sharci aheyn oo kaga imaanayay ganacsade uu ku xidhay waaxda xuquuqda ciyaaraha si loogu abaalmariyo xuquuda saxaafadda dalalka qaar koobabka Aduunka 2018, 2022, 2026 iyo 2030, Nasser Al-Khelaifi ayaa lala xidhiidhinaya in lagu abaalmariyay xuquuqda baahinta dalalka qaar koobabka aduunka 2026 iyo 2030”.

Madax waynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi oo markii horeba ka walwalsanaa in FIFA ay ganaaxyo ku soo rogto kooxdiisa PSG sababo la xidhiidha dhinaca dhaqaale wanaaga kooxaha yurub maadaama oo ay baadhitaan ku wadeen ayaa markan lagu soo eedeeyay in uu musuq maasuq ku helay xuquuqda baahinta kulamada koobka aduunka inkasta oo aan wali la cadayn in uu dambigan galay iyo inkale.

Comments

comments