RASMI: Man City Oo Ku Dhawaaqday In Xidigii Ku Fashilmay Kooxdeeda Ee Nolito Uu Si Rasmi Ah Ugu Biiray Sevilla Iyo City Oo Lacag Badan Ku Khasaartay.

Kooxda Manchester City ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay kooxda Sevilla heshiis la gaadhay iibka xidigii kooxdeeda ku fashilmay ee Nolito kaas oo hal xili ciyaareed oo kaliya ku soo qaatay Etihad Stadium. Nolito ayaa qaab ciyaareed layaableh ku soo bandhigay kooxda ree Spain ee Celta Vigo wuxuuna Guardiola keensatay kooxdiisa Manchester City markii uu xagaagii hore la wareegay balse sanad gudihii Nolito ayaa maanta ka degay Spain.

Kooxda Sevilla ayaa Nolito kula wareegaytay heshiis saddex sanadood ah iyada oo ka bixinaysa lacag u dhexaysa €8m-€9 milyan Euros taas oo Manchester City u keenaysa in ay saxiixa xidigan ree Spain ku khasaarto lacag gaadhaysa 10 ilaa 9 milyan oo euros iyada oo hore kooxda Celta Vigo kagala soo wareegtay 18 milyan oo euros.

War rasmi ah oo Manchester City ka soo baxay ayaa lagu yidhi: “Manchester City waxay Sevilla heshiis rasmi ah kala gaadhay la wareegista Nolito. Garabka ree Spain ayaa kooxda xagaagii hore kaga soo biiray Celta Vigo wuxuuna halkiisii xili ciyaareed uu  City u saftay 30 kulan wuxuuna soo dhaliyay lix gool”.

Nolito ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee Manchester City u saftay kulankii xili ciyaareedkii hore furitaanka u ahaa ee ay City guusha kaga gaadhay Sunderland ka hor intii aanu saddex gool dhain labadii kulan ee ku xigay waxaana ku jiray kulankii uu labada gool ka dhaliyay ee ay Man City 4:1 ku xaaqday kooxda Stoke City.

Wuxuuna Nolito goolkiisii ugu danbeeyay uu Manchester City u dhaliyay kulankii bishii December 2016 ee ay kooxda Guardiola guuldarada kala kulantay Leicester City markaas oo ay Foxex 4:2 ku dubatay Manchester City, laakiin Nolito ayaa inta badan ku caajisay kursiga kaydka Man City wuxuuna ugu danbayn gaadhay dalkiisa Spain si uu u dhamaystiro heshiiska uu Sevilla la gaadhay.

Dhinaca kale kooxda Sevilla ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay heshiika ay Nolito kagala soo wareegtay Manchester City isaga oo haddaba noqday ciyaartoyda Sevilla ah.

Comments

comments