RASMI: Man City Oo Ku Dhawaaqday In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Xidiga Ree Brazil Ee Douglas Luiz Iyo Guardiola Oo Kooxdii Mustaqbalka City Dhisaya.

Kooxda Manchester City ayaa hadda ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xidiga ree Brazil ee Douglas Luiz kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Vasco Da Gama. Douglas Luiz ayaa qaaday talaabo la mid ah tii uu Gabriel Jesus ugu soo biiray Etihad Stadium wuxuuna 19 sano jirkani uu doortay in uu Sky Blues horumarkiisa ka sii wato.

Manchester City ayaa heshiiska Douglas Luiz ku dhawaaqday maalin kadib markii ay Kyle Walker ka dhigtay difaaca suuqa kala iibsiga ugu qaalisan laakiin agaasimaha ciyaaraha Manchester City ee Txiki Begiristain ayaa farxad ka muujiyay in ay kooxdiisu gacanta ku soo dhigtay Douglas Luiz kaas oo qalinka ku duugay heshiiska uu Sky Blues ugu soo biiray.

Manchester City ayaa hore Gabriel Jesus ula soo wareegtay isaga oo 19 sano jir ah balse saamayntii uu markiiba ku yeeshay kooxda kowaad ayaa Sky Blues ku sii dhiiro galisay in ay markale Brazil ugu laabato xidig kale oo si wayn loo qiimeeyo waxayna hadda la soo saxiixatay Douglas Luiz oo isna 19 sano jir ah wuxuuna Guardiola wadaa in uu dhiso kooxdii mustaqbalka ee Manchester City.

War rasmi ah oo ay Manchester City ka soo saartay saxiixa Douglas Luiz ayaa lagu yidhi: “Manchester City waxay dhamaystirtay saxiixa Douglas Luiz oo ay kala soo wareegtay Vasco Da Gama. 19 jirkan khadka dhexe ee xulka qaranka Brazil ee ay da’doodu ka hoosayso 20 sano jirku waxa uu todobaadkan dhamaystiray tijaabada caafimaadka wuxuuna qalinka ku duugay heshiis shan sano ah”.

Agaasimaha ciyaaraha Manchester City ee Txiki Begiristain oo saxiixa Douglas Luiz ka hadlaya ayaa yidhi: “Isagu waa ciyaartoy farxad leh oo awood wayn leh isla markaana qof kasta oo halkan joogaa waxa uu wanaag ka rajaynayaa in ay ka caawiyaan sidii uu u horumarin lahaa hibadiisa iyo ciyaartiisa”.

Manchester City ayaa saxiixa Douglas Luiz ka soo bixisay £10.7 milyan oo gini waxayna amaah ugu diri doontaa kooxda  Girona halkaas oo uu waqti ku maqnaan doono si uu khibradiisa sarre ugu sii qaado ka hor inta aanu qayb ka noqon kooxda Guardiola.

Comments

comments