Qiimaynta Ciyaartoyda Real Madrid Ee Kulankii Ay Los Blancos Guusha Ka Soo Gaadhay Deportivo-Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa?

Real Madrid ayaa bandhig fiican iyo guul muhiim ah ku furatay tartanka ay koobkiisa difaacanayso ee La Liga. Los Blanacos ayaa halkeeda ka sii wadata qaab ciyaareedka fiican ee ay ku soo jirtay ee ay ugu soo guulaysatay koobabka UEFA Super Cup oo ay Manchester United ka soo qaaday iyo Spanish Super Cup oo ay Barcelona ka fara maroojisay. Zidane ayaa sii wata in uu kalsooni wayn u sii abuuro ciyaartoyda kooxdiisa.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda Real Madrid ee kulankii furitaanka La Liga iyo qaabkii ay iskugu muujiyeen kulankan. Gareth Bale ayaa xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah Real Madrid u dhaliyay goolka furitaanka La Liga, Casemiro iyo Casemiro ayaa goolasha kale raacsaday.

XIDIGII GAROONKA: Goolhaye Keylor Navas ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu Real Madrid ka badbaadiyay fursado ay Deportivo goolal ku dhalin lahayd gaar ahaan bilawgii ciyaarta wuxuuna sidoo kale badbaadiyay rekoodhe ay Deportivo ugu yaraan hal gool ku heli lahayd.

QIIMAYNTII CIYAARTOYDA REAL MADRID:

Marka laga yimaado Keylor Navas, Toni Kroos ayaa soo qaatay kulan cajiib ah isaga oo gool qurux badan dhaliyay laakiin sidoo kale Luka Modric ayaa muujiyay muhiimada uu Los Blancos u leeyahay waxayna heleen qiimayno aad u sareeya. Gareth Bale ayaa waqtiyo muhiim ah soo qaatay in kasta oo inta badan aamusnaa.

Laakiin Dani Carvajal iyo Sergio Ramos ayaa helay qiimaynta ugu liidata iyada oo Carvajal uu qalad rekoodhe galay isla markaana uu mararka qaar qaladaad samaynaayay. Laakiin Sergio Ramos ayaa qaatay kaadhkiisii 9 aad oo casaan ah tan iyo August 2009 waana ciyaartoygii qaatay kaadhadka ugu badan ee casaan ah ee horyaalka La Liga.

Xili hore oo qaybtii danbe ahayd ayuu kaadhka cas oo toos ah ka badbaaday laakiin markale ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay ciyaarta ayuu qaatay kaadhka labaad ee digniinta ah iyada oo loo raaciyay kaadhka cas. Ramos ayaa sidoo kale ka mid ahaa xidiga ugu qiimaynta hooseeyay Madrid inkasta oo uu shaqo fiican qabtay.

Real Madrid: Keylor Navas – 8, Dani Caravajal – 5, Sergio Ramos – 5, Nacho – 6, Marcelo – 7, Toni Kroos – 8, Casemiro – 7, Luka Modric – 8, Isco – 7, Gareth Bale – 8, Karim Benzema – 7

Comments

comments