Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Chelsea & Tottenham Ee Kulankii Wemley Stadium, Xidigihii Kulankan Isku Muujiyay Iyo Kuwii Ku Fashilmay.

Chelsea ayaa guul xili ciyaareedkeeda muhiimad khaas ah ku leh ka soo gaadhay Tottenham waxayna Blues si fiican uga soo kabsatay guuldaradii ay furitaankii xili ciyaareedka cusub ee Premier Leaque ay kala kulantay Burnley laakiin guushii ay Tottenham ka soo gaadhay ayaa Antonio Conte iyo kooxdiisa ka caawinaysa in ay dib u helaan kalsooni. Antonio Conte ayaa maanka ku hayay khasaaraha ay kooxdiisa u yeelan lahayd hadii ay guuldaro la soo kulmi lahayd.

Marcos Alonso ayaa laba gool u dhaliyay Chelsea si uu ugu gacan galiyo guusheedii ugu horaysay ee Premier leaque ee xili ciyaareedkan cusub. Tottenham ayaa rekoodh aad u liita ku leh garoonka ay guriga ka dhigatay xili ciyaareedkan ee Wembley Stadium.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimaynta ciyaartoyda kooxaha Chelsea iyo Tottenham ee kulankan iyada oo qiimaynta si fiican looga fahmo ciyaartoyda kulanka isku muujisay iyo kuwa ku fashilmay si la mid ah xidiga garoonka ugu fiican.

XIDIGII GAROONKA UGU FIICNAA: Marcos Alonso ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu kooxdiisa Blues si buuxda uga soo celiyay qalalaasihii ay ku dhex jirtay wuxuuna muujiyay awooda gool dhalineed iyo difaacasho ee uu Antonio Conte kooxdiisa u hayo. Waxaa Alonso lagu tilmaami karaa hubka qarsoon ee uu Conte kooxaha ku dilo iyada oo la ogaa dhibtii ay Blues direentay xili ciyaareedkii hore markii uu dhaawaca kaga maqnaa.

Waxa uu markii hore dhaliyay gool layaableh oo laaga xorta ah ku yimid laakiin daqiiqadii 88 aad waxa uu Marcos Alonso dhaliyay goolka wadnaha gooyay Spurs ee uu Blues guusha ugu hogaamiyay.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA TOTTENHAM:

Ciyaartoyda Tottenham ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed liita marka laga reebo Wanyama oo kulankan ku fashilmay laakiin dhamaystirkii fursadihii ay heleen ayaa keentay in ay guuldaro la kulmaan.

TOTTENHAM: Lloris 6 ,Trippier 6 ,Alderweireld 7 ,Vertonghen 6 ,Davies 7 ,Dier 6 ,Wanyama 5 ,Dembele 7 ,Eriksen 8 ,Alli 6 , Harry Kane 7

Badalkii – Son 7, Sissoko 5

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA CHELSEA:

Guud ahaan ciyaartoyda Chelsea ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican waxayna muujiyeen in ay sidii koox wayn uga falceliyeen guuldaradii kulankii Burnley. David Luiz ayaa ahaa xidiga ugu qiimaynta sareeya ee Alonso ku qabsan gaadhay xidiga garoonka ugu fiicnaa.

CHELSEA: Courtois 7, Moses 7 ,Rudiger 7 ,Christensen 6 ,Azpilicueta 7 ,Alonso 8, David Luiz 8, Kante 7,Bakayoko 6 , Willian 7 ,Morata 6

Badalkii – Pedro 6, Batshuayi 3

 

Comments

comments