Muxuu Kylian Mbappe U Sheegay Jariirada AS Markii Ay Weydiiyeen Haddii Uu Sii Joogi Doono Monaco Xilli Ciyaareed Kale?

Kylian Mbappé ayaa shalayto tagaya Switzerland si uu diyaargarow xilli ciyaareedka cusub u la bilaabo Monaco. Sida cad waxaa mugdi weyn uu ku jiraa haddii weeraryahanka reer France uu xilli ciyaareedka cusub ee 2017-18 la bilaaban doono kooxda horyaalka Faransiiska heysata.

Monaco ayaa xarun tababar ka dhigatay goobta ku fiican sawirada ee quruxda Saillon oo 80 kiilomitir u jirta magaalada Lausanne waxaana ay halkaas deganaan doonaan ilaa iyo 19ka bishaan Luuliyo.

Wariyayaal ka socda jariirada Madrid ka soo baxda ee AS ayaa joogay tababarkii uu macalin Jardim siinayay ciyaartoydiisa iyadoo Monaco ay dooneyso inay sarre u qaado qaab ciyaareedkeedii wacnaa ee keentay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay inay ku guuleystaan horyaalka Faransiiska islamarkaana ay soo gaaraan wareega afar dhamaadka Champions League.

Xiddigooda ugu magaca weyn Kylian Mbappe ayaa u muuqday mid ku jira jawi wanaagsan inkastoo mugdi weyn uu ku jiro mustaqbalkiisa oo ay ugu danbeysay wararka saaka soo baxaya ee sheekaya in Pep Guardiola uu ku biiray ceyrsashadiisa.

Jariirada AS ayaana ku guuleysatay inay ugu yaraan jawaab ka hesho xiddigaan, nasiibdarro, jawaabtiisa ma aysan noqon mid wax kala cadeysa marka laga reebo inay sii xoojineyso aragtida ah inay wax walba dhici karaan.

Su’aasha ay weydiiyeen AS xiddiga Monaco waxa ay aheyd: “Ma u maleyneysaa inaad sii joogi doonto Monaco xilli ciyaareed kale?” Jawaabtiisa waxa ay noqotya: “Ma garanayo”

Comments

comments