Muxuu Jose Mourinho Ka Yiri Suurtogalnimada Uu Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo Dib Ugu Laaban Karo Man United?

Tababare Jose Mourinho ayaa daawaday kooxdiisa Manchester United oo guul ku furatay booqashada ay ku marayaan Mareykanka, ka dibna waxa uu qirtay inay tahay howlgal aan macquul aheyn in lala soo wareego Cristiano Ronaldo.

Xiddiga Real Madrid Ronaldo ayaa lala xiriiriyay inuu ku laabanayo kooxdiisa hore ee United ka dib markii lagu eedeeyay inuu canshuur ka qimaayeeyay dowlada Spain islamarkaana uu soo bandhigay caradiisa la xiriirta arintaan.

Laakiin ka dib markii uu daawaday United oo 5-2 ku xaaqday Los Angeles Galaxy ciyaartii ka dhacay StubHub Center, Mourinho ayaa dilay rajo kasta oo uu Ronaldo dib ugu soo laaban lahaa Old Trafford.

“Marnaba kama aanan fekerin soo laabashadiisa, sababtoo ah waa ciyaaryahan muhim u ah kooxdiisa oo leh awood dhaqaale oo weyn, mana aanan helin sabab kasta oo aan ugu fekeri karnay in Ronaldo uu ka tagi karo kooxdaas” ayuu yiri Mourinho.

“Ma ahi mid difaaca koox marka ay waqti ku dhumiyaan ciyaaryahano ah howlgal aan macquul aheyn.”

Mourinho ayaa sidoo kale meesha ka saaray in United ay la soo wareegeyso Ronaldo saaxiibkiisa Real Madrid Alvaro Morata ka dib markii ay wadahalada labada kooxood gaareen meel aan ka soo laabasho laheyn oo ay kula kala tageen dhanka qiimaha.

Comments

comments