Maxaa Ka Jira In Chelsea Laga Soo Diiday Dalab 100 Milyan Yuro Oo Ay Ka Gudbiyeen Weeraryahanka Juventus Gonzalo Higuain?

Juventus ayaa soo diiday dalab 100 milyan yuro ah oo ugaga yimid kooxda tababare Antonio Conte ee Chelsea oo ku aadan saxiixa weeraryahankooda Gonzalo Higuain sida ay qortay jariirada Turin ka soo baxda ee Tuttosport.

Kooxda Bianconeri ayaa 90 milyan yuro ku burburisay qandaraaskiisa Gonzalo Higuain ee Napoli sannad ka hor.

Sida lagu daabacay jariirada fadhigeedu yahay Turin ee Tuttosport, Juventus ayaa dalab qiimihiisa uu gaarayo 100 milyan yuro ka heshay kooxda Chelsea xagaagan.

Higuain oo lagu naaneeso Pipita ayaa 30 jir noqon doona bisha December, waxaana uu Juventus qandaraas kula jiraa iyo xagaaga 2021.

Xilli ciyaareedkii 2015-16 markii uu joogay Napoli, waxa uu jabiyay rikoorkii gooldhalinta ee hal xilli ciyaareed ee horyaalka Serie A isagoo dhaliyay 36 gool.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxa uu dhaliyay 24 gool oo horyaalka Talyaaniga ah, seddex Coppa Italia ah iyo shan gool uu ka dhaliyay koobka Champions League oo kooxdiisu ay finalka gaartay.

Chelsea ayaa dooneysa inay xiddig magac weyn leh ka dhigato gooldhaliyaheeda cusub ka dib markii ay saxiixa Romelu Lukaku u waayeen Manchester United.

Comments

comments