Man United Oo Ku Sii Dhawaaneysa Saxiixa Ivan Perisic Iyadoo Inter Milan Ay Heshay Bedelka Xiddiga Reer Croatia

Manchester United ayaa u muuqata mid ku sii dhawaaneysa saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Inter Milan Ivan Perisic iyadoo wararka ay soo jeedinayaan in xiddiga Lazio Kieta Balde uu ku dhow yahay inuu ku biiro Nerazzurri.

Kooxda Red Devils ayaa si xoogan u cerysanaysay xiddiga reer Croatia laakiin Inter Milan ayaa ku adkeysanaysa qiimeynteeda ciyaaryahanka oo ah 50 milyan ginni.

Balde ayaa kaliya ay hal sanno kaga harsan tahay qandaraaskiisa Lazio, waxaana loo maleynayay inuu doonayo Juventus marka loo eego kooxaha kale ee xiiseynaya.

22 jirkaan ayaa ka tagay xarunta tababarka ee Lazio isagoo aan ciyaari kulankii saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen Top 11 Radio Club.

Iyadoo Chelsea iyo Liverpool ayaa sidoo kale diiwaangeliyeen xiisahooda weeraryahanka lagu qiimeeyo 20ka milyan ginni, Inter ayaa u muuqata mida ugu cadcad saxiixiisa taasoo u ogolaaneysa kooxda Serie A ka dhisan inay fasaxaan Ivan Perisic.

Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya labo saxiix kale xagaagan ka dib markii uu lacag badan ku soo xerogeliyay daafaca Victor Lindelof iyo weeraryahan Romelu Lukaku.

Xiddig garab ka ciyaara oo awood iyo tayo leh ayuuna Mourinho muhim gaar ah siinayaa, waxaana tilmaamtaas ku soo baxay Perisic.

Heshiis ayaa haatan lagu dhawaanayaa iyadoo Inter ay heli karto bedelkiisa, taasoo la micno ah in kooxda Talyaaniga ay ka soo dabci karto qiimaha ay dooneyso.

Comments

comments