Macalinka Kooxda Arsenal Ee Arsene Wenger Oo Shaaca Ka Qaaday Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Difaaca Kooxdiisa Shkodran Mustafi.

Tababaraha ree france ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, mudada uu ka maqnaanayo shaxda kooxdiisa difaaca caalamiga ah ee ree Germany Shkodran Mustafi, kadib markii uu dhaawac xoogan uu ka soo gaadhay dhanka Jilibka.

25 jirkan kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ayaa isaga baxay garoonka qeybtii hore inta uu socday kulankii isreeb reebka koobka aduunka sanada 2018 uu xulkiisa guusha kaga gaadhay Azerbaijan 5-1 maalinkii Axada ee lasoo dhaafay.

Hadaba Arsene Wenger ayaa shir jaraa’id uu maanta qabtay wuxuu shaaca kaga qaaday: “Waxaan waayi doonaa adeega Shkodran Mustafi mudo ku dhaw ilaa iyo 6 isbuuc, kadib dhaawacii kasoo gaadhay inta uu ku gudi jiray gudashada waa jibaadka xulkiisa qaran”.

Macalinka ree france ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Ma filiyao inuu soo laaban karo kahor inta aan la gaarin kulamada kale caalamiga ah ee soo aadan”.

Laakiin waxaa hoos u dhigaya walwalka uu ka qabi karo Arsene Wenger dhaawaca difaaca kooxdiisa Shkodran Mustafi dib u soo laabashada difaaca kooxdiisa ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Laurent Koscielny, kaasoo la sheegay inuu ka qeyb qaadan doono kulanka soo aadan ee Watford, kadib markii uu si wanaagsan kaga soo kabtay dhaawacii uu ka qabay dhanka cagta.

Sidoo kale Gunners ayaa waxaa dhaawacyo uu qabay kaga soo laabtay laacibkeeda Bosnian Sead Kolašinac wuxuuna diyaar u yahay inuu ka qeyb galo kulanka Watford, waxaa la mid ah Mesut Özi iyo Danny Welbeck.

Comments

comments