Ma Doonayno!! – Xiddiga Juventus Ka Tirsan Ee Ay Man United Ka Dhaaratay In Heshiiska Paul Pogba Lagu Soo Daro Oo La Ogaaday

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay kala xulanayso xiddigaha ka tirsan kooxda Juventus ee haddiiba ay aqbasho in kooxdaas uu u wareego Paul Pogba ay tahay in heshiiska xiddigo is-dhaafsi lagu soo daro.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya horyaalka Talyaaniga, Manchester ayaa gabi ahaanba meesha ka saartay fursad kasta oo ay Juve heshiiska ay Pogba ku doonayso ugu soo daraysay khadkeeda dhexe ee Adrien Rabiot.

Rabiot

Bianconeri ayaa si lamid ah kooxaha kale ee Yurub doonaya inay adeegsadaan xiddigaha kooxdooda si ay hoos ugu soo dhimaan qiimaha ciyaaryahanada ay suuqa ka doonayaan kaddib dhaqaale xumada uu keenay xanuunka Korona.

Rabiot ayaa ku dhibtooday inuu fursad ciyaareed ka helo Juventus tan iyo markii uu Paris Saint-Germain qaab xor ah ugaga soo biiray suuqii xagaaga ee 2019 sidaas darteed kooxdiisa ayaa u aragta mid ku haboon inay heshiisyada kale u adeegsato.

Man United ayaa hore xiiso ugu soo muujisay saxeexa xiddigan France kasoo jeeda iyadoo la xasuusto inay dagaal la galeen Juve markii ay la wareegaysay sanadkii hore.

Laakiin haatan sida uu sheegayo wargeyska Calciomercato, Red Devils ayaa diiday saxeexa Rabiot waxaana u sabab ah in Juventus ay 30 Milyan oo euro ku qiimaynayso iyo waliba inuu sanadkii 7 Milyan oo euro mushahar u qaato.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*