Luis Figo: “Real Madrid Waxay Awood Buuxda U Yeelan Kartaa In Hogaanka La Liga Ay Kala Wareegto Barcelona, Kadib Soo Laabashada Cristiano Ronaldo”.

Halyeeyga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal Luis Figo ayaa wuxuu ka hadlay arimo ku aadan xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ahna gool dhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxda Los Blancos Cristiano Ronaldo iyo xaalada kooxdiisii hore Los Merengues.

Luis Figo ayaa mar uu ka hadlayay arimo ku saabsan xaalada Cristiano Ronaldo wuxuuna yidhi: “Dabcan, Ronaldo waa ciyaaryahan muhim ka ah safka kooxda Real Madrid, wuxuu seegay shan kulan, waxayna kooxda u baahatay kulamadii uu ka maqnaa goolashiisa iyo kasoo muuqashadiisa si kooxda ay u gaadho guul”.

Xidigii hore kooxda Real Madrid oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaa kusii daray: “Waxaan u maleynayaa in kooxda ay ka fiicnaatay haatan kulamadii uu kaga maqnaa ganaaxa, kadib soo laabashadiisa, fursadihii badnaa ay kooxda iska qasaarisay kulamadii lasoo ayaa isku badali doono goolal, mana jirto wax cabsi ah ee laga qabi doono hanaanka kooxda Real Madrid, sababtoo ah waxay xili ciyaareedkan ku bilaawdeen si wanaagsan kadib markii ay kuwada guuleysteen koobabka Spanish Super Cup iyo UEFA Super Cup”.

Figo ayaa hadalkiisa intaa kusii daray: “Xili ciyaareedka wali waa mid aad u fog, si aad ugu guuleysato horyaalka waa inaad qabataa shaqo adag, balse waxaan filayaa in Real Madrid ay markale dib ugu soo laaban doonto hogaanka horyaalka La Liga iyada oo soo yareen doonto farqiga u dhaxeeya kooxda Barcelona”.

Si kastaba Real Madrid ayaa sabtida isbuuca soo aadan bilawgiisa boogan doonta kooxda Getafe, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 8aad ee horyaalka La Liga-ha, xili ay wali ka hooseyso Barcelona farqi ah 7 dhibcood.

.

Comments

comments