Liverpool Oo Rikoorkeeda Suuqa Kala Iibsiga U Jabineysa Naby Keita Laakiin Kooxda Jarmalka Ma Aqbali Doonaan 70 Milyan Ginni?

Liverpool ayaa diyaar u ah inay dalab waali ah oo gaaraya 70 milyan ginni ka gudbiso xiddiga ay aadka u doonayaan ee khadka dhexe ee u ciyaara kooxda Bundesliga ka dhisan RB Leipzig xiddiga reer Guinea Naby Keita.

Tababaraha Reds Jurgen Klopp ayaa diiday inuu aqbalo jawaabta diidmada ee uu ka helayto kooxda Jarmalka iyadoo koxodiisa ay isku diyaarineyso ku soo laabashada Champions League, waxaana niyad-dhis weyn u noqday in Keita uu qalbiga gashaday inuu u wareegayo Merseyside.

22 jirkaan ayaa diyaar u ah inuu ku qasbo Leipzig inay iibiso, laakiin kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa ku adkeysaneysa in Keita uusan iib aheyn qiimo kasta oo loo soo bandhigo iyagoo soo diiday dalabkii furitaanka ee 57da milyan ginni ee ka yimid kooxda Anfield ka dhisan.

Inter Milan ayaa sidoo kale soo gashay tartanka xiddiga reer Guinea, waxaana ay diyaar u yihiin inay ku qanciyaan Leipzig heshiis ay ciyaaryahanka ku heysanayaan sannad kale ka hor inta uusan u wareegin Italy.

Laakiin ilo ku dhow Keita oo ah khad dhexe dhameystiran ayaa sheegaya in Kieta uu si weyn u doonayo inuu Premier League kula shaqeeyo tababare Jurgen Klopp.

Liverpool ayaa durbaba jabisay rikoorkeeda suuqa kala iibsiga xagaagan iyagoo 36.9 milyan ginni kaga soo iibsaday Roma ciyaaryahan Mohamed Salah kaasoo dhaliyay gool kulankii saaxiibtinimo ee ay Jimcihii barbaraha 1-1 la galeen Wigam.

Comments

comments