LA OGAADAY: Lacagta Lagu Burburin Karo Heshiiska Saxiixa Cusub Ee Real Madrid Ee Dani Ceballos Oo La Ogaaday Iyo Barcelona Oo Qodobkan Looga Horjoogsanayo.

Real Madrid ayaa Barcelona ku garaacday saxiixa xidigii kooxda Real Betis ee Dani Ceballos kaas oo doortay in uu Santiago Bernabeu ku soo biiro halkaii Camp Nou u dhawaaqi lahaa. Barcelona ayaa soo tartanka Dani Ceballos soo gaashay xili ay xeedho iyo fandhaalba kala dhaceen oo ay Real Madrid ku dhawdahay in ay da’yarkan la soo wareegto waxayna Madrid si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa 20 sano jirkan aadka loo qiimeeyo.

Laakiin waxaa soo baxay war shaaca ka qaaday qiimaha lacageed ee lagu burburin karo heshiiska lixda sano ah ee uu Dani Caballos uu Real Madrid u saxiixay kaas oo looga hortagayo in mustaqbalka ay Barcelona isku daydo in ay xidigan ka soo saarto Bernabeu.

Wargayska Daily Mirror ayaa shaaciyay in Real Madrid ay heshiiska Dani Ceballos ay ku dartay qodob sheegaya in heshiiskiisa lagu burburin karo €500 milyan oo euros taas oo Barcelona iyo koox kasta oo isku dayda burburinta heshiiskiisa Bernabeu xaalada ku adkayn doonta.

Dani Ceballos ayaa horumar layaableh ku sameeyay kooxdiisii hore ee Real Betis laakiin Real Madrid oo xagaagii la soo dhaafay doonaysay in ay da’yarkan la soo wareegto ayaa daawanaysay kulamadii uu layaabka ka dhigay ee xulka qarankiisa Spain ee ay da’doodu ka hoosayso 21 sano jirka wuxuuna Dani Ceballos ku soo guulaystay xidigii ugu fiicnaa Euro U21.

Dani Ceballos ayaa dhawaan saxaafada loo soo bandhigi doonaa wuxuuna Zinedine Zidane iyo kooxdiisa kale ee Madrid kula midoobi doonaa  USA. Real Madrid ayaa markii ay isku hubsatay saxiixa Dani Ceballos oo loo balan qaaday in fursad laga siin doono kooxda kowaad waxay James Rodriguez amaah ugu dirtay kooxda Bayern Munich.

Real Madrid ayaa markii hore qorshaysatay in Dani Ceballos ay kula soo wareegto Real Betis balse ay amaah ugu celiso ama uu koox kale oo La Ligaha ah uu amaah ku soo joogo laakiin markii ay Los Blancos ogaatay in Barcelona ay tartanka dhinac kaga jirto isla markaana xidigan loo balan qaaday in uu kooxda kowaad fursad ka heli doono ayay qorshihii hore badashay.

Comments

comments