Kumaa Ka Bedelay Saxiixa Cusub Ee Barcelona Nelson Semedo Booskii Uu Ku Soo Baxay ee No.10 Kana Dhigay Daafac Garab?

Saxiixa cusub ee Barcelona ee 23 sanno jir ah Nelson Semedo kuma uusan bilaabanin waayihiisa ciyaareed daafaca garabka midig, Xaqiiqdiina waxa uu ku bilowday isagoo ka ciyaaraya booska khadka dhexe ee No.1- laakiin waxa loo bedelay daafac midig ka dib markii uu maray shaqo adag, iyo baahi weyn uu u qabay inuu booskiisa cusub ka dhigto mid lagu yaqaano.

Semedo ayaa kulankiisii ugu horeysay u saftay Benfica sannadii 2015 ka dib markii uu waqti ku soo qaatay kooxda ka dhisan caasimada Portugal ee Sport Uniao Sintrense intii u dhaxeysay 2008 iyo2012, waxa uu Benfica B ka tirsanaa intii u dhaxeysay 2012 iyo 2015 isagoo xitaa amaah ku aaday kooxda CD Fatima xilli ciyaareedkii 2012-13.

Waxa uu ahaa tababaraha Benfica Helder Cristovao oo ah ciyaaryahankii hore ee Deportivo ninkii u ku yiri ciyaaryahanka: “Kuma soo shaac bixin doontid booska No. 10 laakiin waxaad noqon doonaa daafac garab midka ugu fiican.”

Semedo ayaa doonayay inuu markaas isaga tago kooxda laakiin ugu danbeyn waxa uu aqbalay inuu bilaabo waxbarashadiisa booska daafaca garab, laakiin isagoo aan luminin halistiisa weerar. Ka dib markii uu saftay kulankiisii ugu horeysay sannadii 2015, Semedo waxa uu Benfica u ciyaaray 63 kulan isagoo dhaliyay seddex gool.

Kooxda Barcelona ayaa la soo wareegtay Semedo ka dib markii ay ku hungoobeen saxiixa daafaca midig ee Arsenal Hector Bellerin iyadoo tababare Arsene Wenger uu ku adkeystay in daafaca midig ee reer Spain uusan iib aheyn.

Comments

comments