Ka Hor Kulamada Siddeedaad Ee Horyaalka Premier Leaque, Shan Arimood Oo Ay Tahay In Aad Ka Sii Ogaato Kulamada Ay Kooxaha Waa Wayni Ciyaari Doonaan.

Jamaahiirta kubbada cagta aduunka ayaa farxad ka muujinaya in ugu danbayn ay soo dhamaadeen labadii usbuuc ee xulalka qaramada aduunka iyada oo inta badan kubbada cagta heerka caalami ay noqotay mid lumisay xiisihii ay lahayd waxayna hadda jamaahiirta Premier Leaque ay isku diyaarinayaan xamaasada kulamada siddeedaad iyada oo uu sii socon doono dagaalkii koobka horyaalka Ingiriiska iyo waliba kaalmaha muhiimka ah.

Kulan kasta oo horyaalka Premier Leaque laga ciyaaro ayaa muhiim ah laakiin kulanka ugu wayn isla markaana loo arko in uu ugu saamaynta badan yahay ayaa Anfield ku dhex mari doona kooxaha ay colaada wayni ka dhexayso ee Liverpool iyo Manchester United.

Manchester City iyo Manchester United oo ilaa hadda dhibco isku mid ah ka soo shaqaystay todobaadii kulan ee la soo ciyaaray ayaa markale ku sii loolami doona hogaanka Premier Leaque inkasta oo Guardiola uu rajaynayo in natiijada Anfield ay kooxdiisa caawin karto.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waxyaabo la xidhiidha kulamada kooxaha waa wayn ee usbuuca sabtida ka bilaamaya la ciyaari doono.

1- Chelsea ayaa booqan doonta Crystal Palace oo aan hal dhibic iyo hal goo ka soo helin dhamaan todobadii kulan ee ay soo ciyaartay Premier Leaque xili ciyaareedkan, laakiin Chelsea ah kooxda dhibcaha ugu badan ka soo heshay dhamaan kulamada London Derby ee Premier Leaque iyada oo Blues soo urursaday 421 dhibcood, mana jirto koox kale oo London ka dhisan oo dhibcahan oo kale ka soo heshay kulamada London Derby.

Chelsea ayaa soo ciyaartay 232 kulan oo London Derby ah waxayna soo guulaysatay 119 kulan halka ay 49 kulan soo guuldaraysatay waxayna barbaro soo gashay 64 kulan iyada oo kulanka Crystal Palace uu u muuqdo mid noqon kara guusheedii 120 aad ee kulamada London Derby.

2- Manchester City ayaa Kulanka Stoke City soo dhawayn doonta iyada oo ah kooxda ugu fiican farqiga goolasha horyaalka Premier Leaque ee todobadii kulan ee ugu horeeyay Premier Leaque waxaana ka horaysa oo kaliya Chelsea oo xili ciyaareedkii 2010/2011 kii markii todoba kulan oo Premier leaque ah la soo ciyaaray haysatay +21 gool oo farqiga goolasha ah halka Man City ay hadda ka haysato +20 gool oo ah tirada goolasha ee marka laga reebo goolasha laga dhaliyay.

3- Manchester United iyo Liverpool ayaa wada ciyaari doona kulanka Afield iyaga soo helay min 88 dhibcood tan iyo markii uu Jose Mourinho la wareegay shaqada Old Traffrod. Laga soo bilaabo kulankii ugu horeeyay ee uu Mourinho horyaalka Premier Leaque ku soo maamulay Man United ayay kooxaha Liverpool iyo United mid kastaaba horyaalka Premier Leaque ka soo heshay 88 dhibcood taas oo muujinaysa sida ay iskugu mid u soo ahaayeen.

4- Harry Kane ayaa kulanka Bournemouth noqon kara ciyaartoygii labaad oo kaliya ee lix gool dhaliya afartiisii kulan ee xili ciyaareed ugu horeeyay isaga oo marti ah balse aan wax gool ah soo dhalin afartiisii kulan ee ugu horeeyay kulamada uu garoonka kooxdiisa ku soo ciyaaray, waxaana ka horeeyay oo kaliya Alan Shearer kaas oo xili ciyaareedkii 1993/94 kii noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee afartii kulan ee garoonka kooxdiisa ugu horeeyay aan wax goolal ah dhalin balse afartiisii kulan ee ugu horeeyay ee uu marti soo noqday lix gool soo dhaliyay.

5- Arsenal ayaa booqanaysa kooxda Watfrod oo kulankii ugu danbeeyay ee ay soo wada ciyaareen labadan kooxood bishii January soo gaadhay guusheedii ugu horaysay ee Premier leaque ah oo ay Gunners ka gaadho iyada oo soo gabagabaysay 7 guuldaro oo xidhiidh ahaa oo Gunners hore uga soo gaadhay.

Comments

comments