Jose Mourinho Oo Real Madrid Ka Doonaya In Ay Iska Soo Horaysiiyaan Toni Kroos Si Ay U Helaan Saxiixa Goolhaye David De Gea.

Sidii aanu idiin soo gudbinay kooxda Real Madrid ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisihii aan dhamaadka lahayn ee ay u haysay goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea, laakiin Jose Mourinho ayaa jawaab gantaal ah oo Real Madrid ku adkaanaysa u diyaarsaday isaga oo doonaya in marka hore ay Real Madrid iska soo horaysiiso xidiga khadka dhexe ee Toni Kroos si ay u hesho adeega De Gea.

Xifiltanka Real Madrid iyo Manchester United ee suuqa waxaa uga siidaray in dhawaan ay isku khilaafeen  xarun ka dhigteen jaamacada UCLA ee Tinseltown, waxaana ay ku dagaalameen garoomada tababarka ee jaamacada, huteelada kooxaha degan yihiin ee Los Angels iyo adeegyada diyaarka u ah ciyaartoyda labada kooxood.

Dareenka aan fiicnayn  ee u dhaxeeya labada kooxood ee Real Madrid iyo Manchester ayaa noqday mid aad u xun taasoo keentay in qabanqaabiyayaasha koobka International Champions Cup oo ay labada kooxood ka qeyb qaadanayaan inay soo dhexgalaan oo ay xiisada dejiyaan.

Sidaad oo ay tahay haddana Real Madrid ayaa wali doonaysa in Manchester United uu ganacsi dhex maro isla markaana waxay diirada ku haysaa sidii ay dalab qaali ah uga gudbin lahayd goolhaye David De Gea laakiin sida uu wargayska Daily Mirror sheegay Mourinho ayaa gantaal u diraya Real Madrid wuxuuna dalbanayaa Toni Kroos si uu Paul Pogba khadka dhexe ugala ciyaaro.

Toni Kroos ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan ee uu Zinedine Zidane haysto wuxuuna Mourinho kooxdiisii hore ee Los Blancos uu taabtay halbawlaha ay isagaba ku taabteen saxiixa David De Gea. Manchester United iyo Real Madrid ayaa hore miiska wada xaajoodyada ugu kala kacay dhawaan markii ay isku mari waayeen iibka Alvaro Morata.

Iyada oo axada soo socta ay labada kooxood iskaga hor iman doonaan kulanka sida wayn loo sugayo ee International Champions Cup ayay markale ku balansan yihiin kulanka August 8 ay iskaga hor iman doonaan finalka UEFA Super Cup, sidaa daraadeed ciyaartoy kasta oo labada kooxood ukala wareegi kara ayay suurtogal tahay in kulamadan kadib laga wada xaajoon karo.

Qorshaha uu Mourinho ku dalbanayo Toni Kroos ayaa Real Madrid ku keenaya laba daran mid dooro iyada oo go’aan ka gaadhi doonta haddiiba ay hirgalin karto dalabka Jose Mourinho ee ah in ay isku badashaan Toni Kroos iyo David De Gea.

Comments

comments