Jose Mourinho Oo Qarka U Saaran In Heshiis Cusub Uu U Saxiixo Kooxda Man United, Kadib Howshii Adkeyd Uu Kooxda Kasoo Qabtay Tan Iyo Markii Uu Yimid.

Manchester United ayaa waxay dooneysaa in dalab cusub ay miiska u saarto macalinka ree Portugal ee Jose Mourinho si ay kaga saxiixdaan heshiis cusub uu kusi maamulayo garoonka Old Trafford sanooyinka fog ee soo aadan, kadib markii ay si xoogan ugu qanceen awoodiisa iyo sida joogtada ah uu kooxda u hor mariyay tan iyo markii uu yimid.

Wargeyska ree England “The Sun” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maamulka kooxda Manchester United ay diyaariyeen dalab xoogan ay ugu talagaleen Jose Mourinho, si ay kaga saxiixdaan heshiis gaadhaya ilaa iyo 5 sano soo aadan, wuxuuna ku qaadan doonaa mudada uu ku egyahay heshiiskan aduun dhan £ 65million.

United-ka ayaa lasoo saxiixatay macalinka ree Portugal ee Jose Mourinho sanadii 2016, kadib markii uu qalinka ugu duugay heshiis 3 sano ah, laakiin waxay  doonayaan kahor inta uusan soo idlaan xili ciyaareedkiisii labaad ee kooxda inay ka saxiixdaan heshiis gaadhaya 5 sano kale, taasoo ka dhigeysa in uu Old Trafford kusii sugnaan doono mudo aad u fog.

Jose Mourinho ayaa wuxuu ka mid noqon doonaa macalimiintii ugu waqtiga dheeraa ee kooxda Manchester United, hadii uu heshiiska u dhameysto sida loogu tala galay, taasoo ka dhigi doonta in macalinka ree Portugal la filayo inuu noqdo Sir Alex Ferguson cusub ee garoonka Old Trafford.

Mourinho ayaa gacanta ku dhigay kalsoonida milkiilayaasha kooxda Manchester United, xili sidoo kale xidhiidhka uu la leeyahay madaxa fulinta kooxda Edward Woodward uu yahay mid aad u wanaagsan, xili sidoo kale macalinkii ugu waqtiga dheeraa ee kooxda ree England ee Ferguson uu kalsooni buuxda uu ka muujiyay in Mourinho uu awood buuxda u leeyahay hogaaminta Manchester United, kaasoo la filiyo in waqtiyo kaloo fug uu sii joogi doono Old Trafford.

Comments

comments