Jamaahiirta Barcelona Oo PSG Ku Qasabtay In Ay Barteeda Instagram Ka Dhigto Mid Xidhan Oo Private Ah Iyo Sababta Arintan Ka Danbaysa.

Jamaahiirta kooxda Barcelona ayaa Paris Saint-Germain qasab kaga dhigay in ay barteeda Instagram ka dhigto mid xidhan oo  Private iyada oo u adkaysan wayday mawjado fariimo iyo dacaayad ah oo si aan kala joogsi lahayn ugaga imanayay jamaahiirta Balaugrana.

Kadib markii uu Marco Verratti raali galinta ka bixiyay in wakiilkiisu uu si xun saxaafada uga hadlay si ay u qasbaan in Barcelona ay la wareegto xidiga ree Talyaani, ayay jamaahiirta Barcelona bilaabeen fariimo aan kala joogsi lahayn oo ay PSG ku dacaayadaynayaan guuldaradii kulankii Camp Nou ee ay Barcelona 6:1 ku xasuuqday PSG  iyo waliba ka hadliada heshiiska Marco Verratti.

Fariimaha jamaahiirta Barcelona ayaa noqday kuwo aan kala joogsi laahyn oo ay PSG ugu abuurtay cadho wayn taas oo keentay in gabi ahaanba barta Instagram ee PSG si private ah loo xidho waxaana PSG barta instagramka kaga xidhan 8.2 milyan qof.

Laakiin jamaahiirta Barcelona ayaan intaas ku joojin ololaha ay PSG cadhada wayn ugu abuureen waxayna barta twitterka ku soo bandhigeen sawiro ay ka soo qaadeen akownkii Instagram ee PSG oo laga dhigay Private is fariimahooda looga xidho waxayna markale ugu maadsadeen sida ay fariimihii ay PSG u dirayeen ay u xanuuniyeen kooxda ay bartilmaameedka ka dhigteen.

Barcelona ayaa muhiimada kowaad siinaysay in ay Marco Verratti kala soo wareegto PSG laakiin maamulka kooxda ree France ayaa iska diiday in ay xataa wax wada xaajood ah la furaan Barcelona laakiin markii ay jamaahiirta Barcelona ogaadeen in heshiiskii Marco Verratti uu biyaha ku dhex bakhtiyay ayay fariimo aan kala joogsi lahayn ooda uga qaadeen barta Instagram ee PSG kaas oo sabab u noqday in fariimihii dad waynaha gabi ahaanba laga xidho.

Comments

comments