Inter Milan Oo U Sheegtay Man United Sida Ay Ku Heli Karaan Ivan Perisic Iyo Anthonio Martial Oo Fure Ah Heshiiskaas.

Inter Milan ayaa u sheegtay Manchester United inay doonayaan in Anthony Martial uu qeyb ka noqdo wadahalada heshiiska Ivan Perisic, laakiin ay noqon kartaa inay amaah ku qaataan ama inuu qeyba ka noqdo heshiiska joogta ah la isku bedelanayo labada ciyaaryahan.

Kooxda Nerazzurri ayaa ku adkeysaneysay tan iyo bilowgii xagaagan inaysan aqbali doonin lacag ka yar 55 milyan yuro marka ay timaado saxiixa xiddigooda garabka ka ciyaara Perisic.

Inkastoo uu xiddiga reer Croatia si weyn u doonayo inuu ku biiro kooxda Jose Mourinho, islamarkaana uu heshiis shaqsi ah la gaaray bishii March, Inter Milan iyo milkiilayaasheeda Shiinaha ayaan ku qasbaneyn inay iibiyaan.

Tababaraha cusub Luciano Spalletti ayaa doonaya inuu Perisic ka sii mid ahaado kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu kaliya fasixi doonaa haddii uu helo bedel ku habeen.

Waxaa xalayto ka soo baxay Italy warar sheegaya in Inter ay ka codsatay Manchester United weeraryahanka Faransiiska Anthony Martial.

Warkaas ayaana isa soo taraya, iyadoo warbaahinta Ingariiska ay soo jeedineyso in heshiiska Martial uu noqon karo amaah qiyaar loo siinayo Inter inay si joogta ah kula wareegto.

Si kastaba, kooxda Premier League ka dhisan ee Man United ayaa ka cagajiideysa inay fasaxaan 21 jirka reer France.

Haddii uu heshiiska noqdo mid isku bedelasho ah, markaas Inter waxa ay bixin doontaa 20 milyan yuro iyo Perisic si ay u helaan Martial.

Comments

comments