HESHIIS DHAN: Wakiilka Yerry Mina Xaqiijiyay In Heshiiska Barcelona Ay Kula Soo Wareegayso Mina Uu Yahay Mid Sacad U Dhamaystiran.

Barcelona ayaa waqti dheer lala xidhiidhinayay xidiga kooxda Palmeiras ee Yerry Mina laakiin hadda wakiilkan xidiga ree Colombia oo magiciisa la yidhaa Felipe Russo ayaa shaaca ka qaaday in heshiiska ay Barcelona kula soo wareegayso Mina uu yahay mid si cad u dhamaystiran, wuxuuna sidoo kale sheegay waqtiga uu Barcelona ku soo biiri doono.

Wakiilka Yerry Mina ee Felipe Russo ayaa waraysi uu siiyay  fcinternews.it waxa uu ku xaqiijiyay in xidigani uu inta sanadkan 2017 ka hadhay ku soo qaadan doono kooxda ree Brazil ee  Palmeiras si uu diyaar ugu noqon karo koobka aduunka ee sanadka soo socda ka qabsoomi doona Russia balse waxa uu xusay in heshiiska uu Barcelona ugu biirayaa uu yahay mid dhamaystiran.

Wakiilka Yerry Mina ee Felipe Russo ayaa isaga oo heshiiskan xaqiijinaya yidhi: “Haa, imaatinkiisa waxaa jadwalkiisa laga dhigay 2018. Waqti xaadirkan waxa uu sii joogi doonaa Brazil kadib waxa uu tagi doonaa La Ligaha. Wax kastaba si cad ayaa loo xidhay, ciyaartoygana markasta waxay riyadiisu ahayd Barcelona”.

Iyada oo ay jiraan kooxo waa wayn oo wali doonaya saxiixa Yerry Mina ayuu wakiilka xidigani sheegay in ayna hadda wax fursad ahi jirin oo ay koox kale kula wareegi karto Yerry Mina maadaama oo uu qalbiga gashaday in uu Camp Nou ku biiro.

Wakiilka Yerry Mina oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: ” Ma jirto wax fursad ahi oo uu maskaxdiisa ku badali karaa, sanad kale ayuu u sii ciyaari doonaa Palmeiras si uu diyaar ugu noqdo koobka aduunka”.

Yerry Mina ayaa ah difaac dhexe waxayna Barcelona soo daba socotay waqti dheer iyada oo haddaba meel ku hubsatay saxiixa 22 sano jirkan kaas oo bisha January 2018 ama xagaaga danbe ku soo biiri doona kooxda uu heshiiska la sii gaadhay ee Barcelona.

Comments

comments