Xidig Cusub Oo La Wareegay Hogaanka Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Yurub Iyo Sida Loo Kala Horeeyo.

Waxa halkiisa kasii socda tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta qaarada Yurub walow aysan wada bilaabmin horyaalada qaaradaasi balse waxa tartanka halkooda kasii wada xiddigaha horyaalka Bundesliga ee Germany.

Waxay u muuqataa inay Bayern Munich hananayso horyaalkaasi markeedii sideedaad oo xidhiidh ah kaddib guushii weyneyd ee 5-0 ka ahayd ee ay xalay ka gaadheen kooxda Fortuna Dusseldorf iyagoo 10 dhibcood oo saafi ah hoggaanka ku qabtay.

Lionel Messi

Dhaliyaha Bayern ee Robert Lewandowski ayaa kulankaas laba jeer shabaqa soo taabtay taas oo ka dhigan inuu 29 gool ku hayo hoggaanka gool dhalinta horyaalkaas.

Haddaba, su’aasha kulankaas kaddib miiska saaran ayaa ah halkee ayay goolasha Lewy uu soo dhaliyay ka galinayaan miiska kala sarreynta gool dhalinta qaarada Yurub?

Si guud ahaaneed, hanaanka loo xisaabiyo gool dhalinta horyaalada Yurub ayaa ah in hal gool oo kasta oo laga dhaliyo shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradaas laba dhibcood loo xisaabinayo halka horyaalka lixaad ilaa midka 21-aad loo xisaabinayo goolkasta 1.5 dhibcood.

Lewandowski ayay goolashiisii xalay ka caawiyeen inuu figta ugu sarreysa ee tartankan galo isagoo 29 dhibcood hoggaanka ku qabtay laba goolna ka sarreeya Ciro Immobile oo 27 gool hore hoggaanka ugu hayay kana tirsan Lazio.

Booska saddexaad ayuu 24 gool ku joogaa gool dhaliyaya RB Leipzig ee Timo Werner halka uu afraad joogo Erling Haaland oo isagu ka goolal badan Werner balse ka dhibco yar maadaama oo uu goolal badan kusoo dhaliyay horyaalka Austria markii uu Salzburg joogay.

Ronaldo ayaa booska shanaad ah oo 21 gool leh waxaana uu afar dhibcood ka sarreeyaa ninka ay xifaaltamaan ee Lionel Messi oo isagu abaalmarintan difaacanaya.

Halkan Kaga Boggo 20-ka Gool Dhaliye Ee Ugu Sarreeya Yurub Haatan & Dhibcahooda

20 | Alexander Sörloth | Goals: 19 | dhibcaha: 28.5

19 | Danny Ings | Goals: 15 | dhibcaha: 30

18 | Josip Ilicic | Goals: 15 | dhibcaha: 30

17 | Erik Sorga | Goals: 31 | dhibcaha: 31

16 | Moussa Dembélé | Goals: 16 | dhibcaha: 32

15 | Mohamed Salah | Goals: 16 | dhibcaha: 32

14 | Joao Pedro | Goals: 16 | dhibcaha: 32

13 | Sergio Aguero | Goals: 16 | dhibcaha: 32

12 | Shon Weissman | Goals: 22 | dhibcaha: 33

11 | Pierre-Emerick Aubameyang | Goals: 17 | dhibcaha: 34

10 | Romelu Lukaku | Goals: 17 | dhibcaha: 34

9 | Wissam Ben Yedder | Goals: 18 | dhibcaha: 36

8 | Kylian Mbappe | Goals: 18 | dhibcaha: 36

7 | Jamie Vardy | Goals: 19 | dhibcaha: 38

6 | Lionel Messi | Goals: 19 | dhibcaha: 38

5 | Cristiano Ronaldo | Goals: 21 | dhibcaha: 42

4 | Erling Haaland | Goals: 26 | dhibcaha: 44

3 | Timo Werner | Goals: 24 |dhibcaha: 48

2 | Ciro Immobile | Goals: 27 | dhibcaha: 54

1 | Robert Lewandowski | Goals: 29 | dhibcaha: 58

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*