Gabadha Carbeed Ee Anshax Xumada Ku Caanka Noqotay Ee Mia Khalifa Oo Soo Xushay Shaxdeeda Riyada Premeir League Iyo Xidigaha Lama Filaanka Ah Ee Ku Jira.

Gabadha reer Lubnaan ee Mia Khalifa oo haysata dhalashada dalka Maraykanka ayaa ka mid ah dadka ugu caansan ee kubbada cagta England waxaana mar daraasad la soo saaray lagu sheegay in ay ka mid tahay dadka ugu saamaynta badan kubbada cagta England inkasta oo ayna wax xil ah hayn isla markaana ayna kubbada cagta ciyaarin.

Mia Khalifa waxay caan ku noqotay dhaqan xumo iyo filimada anshax xumada ah taas oo keentay in ay murankii ugu waynaa ka soo abuurtay barriga dhexe iyo wamada carbeed maadaama oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka carbeed ee Lubnaan.

Maia Khalifa
Maia Khalifa

Mia Khalifa waxay taageere wayn u tahay kooxda London ka dhisan ee West Ham United waxayna soo xulatay shaxda kooxdeeda ugu fiican ee kooxaha Premier League taas oo lagu daabacay wargayska caanka ah ee The Sun.

Mia Khalifa oo soo laabashada kubbada cagta ee England ku soo beegtay shaxda kooxdeeda Premier league ugu fiican ayaa ka mid ah dadka ugu caansan baraha bulshada iyada oo Instagram oo kaliya ku haysta 20 milyan qof oo ku xidhan.

Mia Khalifa oo ka hadlaysay soo xulashadeeda shaxda Premeir League ayaa tidhi: “Qaar ka mid ah doorashooyinku muran ayay leeyihiin, soo xulashooyinka qaarna waa kuwo bilaa aqoon ah, sababtoo ah wax yar ayaan ka aqaanaa Premeir Leauge inksta oo aan si fiican ugu raaxaysto’.

Laakiin Mia Khalifa waxaa doorashadeeda qayb ka noqotay taageeronimadeeda kooxda West Ham United maadaama oo ay shaxdan ku soo dartay xidigaha West  Ham ee Felipe Anderson iyo Declan Rice.

Mia Khalifa waxay shaxda kooxdeeda riyada ee Premier league goolhaye uga dhigtay goolhayaha kooxda Brighton ee Mathew Ryan waxayna difaaca dhexe u soo wada xulatay Virgil Van Dijk iyo Harry Maguire oo ah labada difaac ee aduunka ugu qaalisan.

Mafia
Mia

Waxay difaaca midig u dooratay xidiga muranka badan sanadkan soo abuuray ee xafladaha dhaqan xumada ah soo marti galiyay ee Kayle Walker waxaana difaaca bidix ku jiray Declan Rice inkasta oo uu kooxda ay Mia taageerto ee West Ham uu uga ciyaaro khadka dhexe ama burburiyaha.

Markale si lama filaan ah ayay Mai Khalifa khadka dhexe ugu soo dooratay xidiga kooxda Brighton ee Aaron Mooy waxayna la soo xulatay Raheem Sterling iyo James waxaana ka horeeya Felipe Anderson oo ay ku tilmaantay ciyaartoyga ay ugu jeceshay kooxda ay taageerto ee West Ham United.

Ugu danbayn waxay Mia Khalifa weerarka u soo xulatay Mohamed Salah iyo Harry Kane kuwaas oo dhamaystiray shaxda kooxdeeda riyada ee Premier League.

Halkan kaga bogo shaxda kooxda riyada Ee Ay Mia Khalifa Soo Xulatay.

Marka laga reebo Mooy iyo goolhaye Ryan waxay u muuqataa in ay Mia soo xushay shax xoogan oo ay ka buuxaan ciyaartoy badan oo shax kasta oo la samaynayo oo Premier league ah ka soo muuqan kari lahaa balse meesha ugu liidata ayaa ah khadka dhexe.

6 Comments

  1. Cid walba wax hakasoo qaadanina naagtan iyo qoraaladeda ilahay baa kugu cadaabaya diinteedi dhilaysi bay ku badalaty

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*