DIGNIIN: Maamulka Borussia Dortmund Oo Digniin Adag U Soo Jeediyay Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Waqtiga Kama Danbaysta Ah Ee Loo Qabtay.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa digniin adag u soo jeedisay xidiga in uu kooxdeeda ka baxo doonaya ee Pierre-Emerick Aubameyang  waxayna u qabteen waqti kama danbays ah oo ay tahay in uu go’aan kaga gaadho mustaqbalkiisa. Madax fulinta kooxda Dortmund ee Hans-Joachim Watzke ayaa digniintan saxaafada u mariyay xidiga ree Gabon.

Hans-Joachim Watzke ayaa ka cadhaysan hubanti la’aanta mustaqbalka  Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo hadba koox lala xidhiidhinayo. Aubameyang ayaa maalmihii ugu danbaysay si wayn loola xidhiidhinayay kooxaha AC Milan, Chelsea iyo Liverpool laakiin masuulka sarre ee Dortmund u hadlay ayaa sheegay in aanu wali jirin hal dalab oo miiska u saaran gool dhaliyahan.

Madax fulainta Dortmund ee Hans-Joachim Watzke ayaa si cad u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Aubameygang iska iibiyaan haddii ay jirto koox uu doonayo in uu ku biiro taas oo bixin karta lacagta ay xidigan ku qiimaynayaan balse waxa uu si adag u sheegay in fursadani ay waqti kooban ku xidhmayso.

Lama baalmood oo kaliya ayaa la siiyay in Pierre-Emerick Aubameyang uu ku horyimaado maamulka kooxdiisa si uu ugu sheego kooxda uu ku biirayo ee bixinaysa lacagta lagu iibsan karo, haddii kale oo ay taasi dhici waydo waxa uu ku sii nagaan doonaa kooxdiisa maadaama oo ay adag tahay in badalkiisa la helaa sida uu masuulkani xusay.

Haddaba madax fulinta Dortmund ee Hans-Joachim Watzke oo la hadlayay wargayska Germany ka soo baxa ee Welt am Sonntag ayaa yidhi:Waxaanu Aubameyang  u sheegnay: ‘Haddii aad doonayso in aad meel kale u dhaqaaqdo, oo aad hayso kooxda la kulmi karta dalabykaga, kadib anaga noo kaalay waynu wada hadli doonaaye”.

Hans-Joachim Watzke oo hadalkiisa adag sii wata ayaa yidhi: “Laakiin tani kaliya waxay sii jiri kartaa waqti cayiman oo suuqa ah kaas oo si gaabis ah u soo xidhmaya, waxaanu si cad ugu baahanahay in aanu helno badalkiisa taas oo adag aan suurtogal ahayn ah”.

Ugu danbayn  Hans-Joachim Watzke  ayaa waqti u qabtay Auba wuxuuna yidhi: “Waxaanu sugi doonaa laba maalmood oo dheeri ah, laakiin ma aha waqti dheer, ma jiraan wax dalabyo ah oo isaga ilaa hadda miiska u saarani”.

Haddalka  Hans-Joachim Watzke  ayaa sidoo kale digniin u ah kooxaha doonaya saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang ee ay ugu horeeyaan AC Milan, Chelsea iyo Liverpool.

Comments

comments