RASMI: Chelsea Oo Ku Dhawaaqday In Ay Si Rasmi Ah U Dhamaystirtay Saxiixa Xidigii Kooxda Monaco Ee Tiemoue Bakayoko .

Kooxda Chelsea ayaa ugu danbayn si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xidigii kooxda AS Monaco ee  Tiemoue Bakayoko  kaas oo tan iyo shalay ku sugnaa xarunta tababarka kooxdeeda. Kadib markii shaki la galiyay in  Tiemoue Bakayoko  uu ku guulaystay tijaabada caafimaadka ayay hadda Blues si rasmi ah u shaacisay in ayna jirin wax dhib ah oo horjoogsan karta heshiiska waqtiga dheer la sugayay ee  Tiemoue Bakayoko .

Warka ay Chelsea ku shaacisay dhamaystirka heshiiska Bakayoko ayaa lagu yidhi: “Tiemoue Bakayoko waa ciyaartoy Chelsea ah kadib markii uu maanta dhamaystiray ka soo wareegistiisa Monaco. Bakayoko oo 22 sano jir ahi waa khad dhexe oo dheer, awood leh isla markaana deg deg badan kaas oo door muhiim ah ka soo ciyaaray ku guulaysigii Monaco ee koobka horyaalka Liguque ee xili ciyaareedkii hore si la mid ah bandhigoodii fiicnaa ee afar dhamaadka Champions Leaque”.

Tiemoue Bakayoko ayaa tan iyo dhamaadkii xili ciyaareedkii hore lala xidhiidhinayay in uu Chelsea ku soo biirayo iyada oo Antonio Conte uu xidigan si wayn u doonayay. Ugu danbayn Antonio Conte ayaa xarunta tababarka kooxdiisa ku soo dhaweeyay Tiemoue Bakayoko si la mid ah xidigaha kale ee Blues oo iyaguna xidiga ree France si wayn u soo dhaweeyay.

Tiemoue Bakayoko ayaa dhawaan xulka qaranka France kulankiisii ugu horeeyay u saftay isaga oo ka garab ciyaaray xidiga uu Stamford Bridge kula soo midoobay ee N’Golo Kante. Chelsea ayaa xaqiijisay in Tiemoue Bakayoko uu qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah isla markaana uu kooxda u xidhan doono maaliyada No.14.

Markii uu dhamaystiray heshiiska uu Blues ugu soo biiray ayuu Tiemoue Bakayoko dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Anigu aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan joogo oo aan kooxdan wayn ku soo biiro. Anigu waxaan soo koray aniga oo daawanaya Chelsea, u saxiixidu aniga waxay ii ahayd wax dabiici ah, sababtoo ah waa kooxda aan carruurnimadaydii aadka u jeclaa”.

Tiemoue Bakayoko oo wanaag ka rajaynaya waayihiisa Chelsea ayaa yidhi: “Hadda waxaan wanaag ka rajaynayaa in aan ku lug lahaado ka hoos shaqaynta tababaraha fantastika ah iyo ciyaartoydan badan ee waa wayn ee aanu isku kooxda noqonay”.

Chelsea ayaa 40 milyan oo gini ka soo bixisay saxiixa Tiemoue Bakayoko kaas oo uu Antonio Conte doonaya in uu xili ciyaareedka cusub door wayn ku yeesho shaxdiisa inkasta oo imaatinka Tiemoue Bakayoko uu albaabka Stamford Bridge ka saarayo Matic kaas oo haddaba kooxda laga saaray.

Dhinaca kale Chelsea ayaa xarunta tababarka kooxdeeda kulan saaxiibtinimo kula ciyaaraysa kooxda ay dariska yihiin ee Fulham waxaana kulankan ku soo bilawday ciyaartoyda kala ah:  Caballero; Azpilicueta, David Luiz, Cahill (c); Moses, Fabregas, Kante, Alonso; Willian, Batshuayi, Pedro.

Comments

comments