Bruno Fernandes Oo Weerar Afka Ku Qaaday Nemanja Matic Oo Ay Isku Koox Yihiin – Maxaa Dhex Maray?

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes  ayaa weerar afka ah ku qaaday saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Nemanja Matic.

Bruno Fernandes oo Manchester United ay Sporting Lisbon kasoo iibsatay bishii January iyo xiddigaha kale ee kooxda ayaa toddobaadkii hore kusoo laabtay tababarka, kaddib muddo laba bilood iyo dheeraad ah oo ay go’doon ugu jireen caabuqa Korona.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa waqti kooba u haysta inuu ciyaartoygiisa u diyaarinayo sidii ay ugu dagaallami lahaayeen boos ay kaga qayb-gelaan tartanka Champions League ee xili ciyaareedka dambe, iyadoo hankoodu yahay inay ugu yaraan soo qabtaan saddexda dhibcood ee ay Chelsea ka horreyso.

Fernandes
Fernandes iyo Matic

Fernandes oo 25 jir ah waxay si dhow u wada shaqaynayeen Matic muddadii lasoo laabtay iyo ka hor intii aan ciyaaraha la joojinba, laakiin haddana waxay labadan xiddig dhexdooda timid in baraha bulshada ay isku weeraraan.

Nemanja Matic oo gardarrada lahaa ayaa horraantii toddobaadkan isku dayay inuu ka xaraabaadsado Bruno Fernandes, waxaanu is-barbar-dhig ku sameeyey xilligii uu Fernandes joogay kooxdiisii hore ee Sporting Lisbon iyo waqtigii uu isagu (Matic) joogay naadiga reer Portugal ee Benfica.

Labadan kooxood ee reer Portugal oo ah kuwan ugu guulaha badan dalkaas, waxa xili-ciyaareedkan gacanta sare yeelatay Benfica oo 17 dhibcood oo nadiif ah ka sarraysa Sporting, waana sababta keentay in Matic uu isku dayo inuu uga maadsado Fernandes.

Nemanja Matic oo gacmihiisa¬† kala bixinaya xilli uu samaynayay tababar baaskiil oo uu ku jimicsanayay, ayaa gacmihiisa inta uu kala bixiyey uu yidhi: “Mar walba farqi ayaa u dhexeeya Benfica iyo Sporting”

Bruno Fernandes ayaa hadalkan meel ku guntaday, waxaana uu dib usoo xasuustay markii uu tababare Solskjaer ciyaartoyda Man United u kala saaray laba dhinac oo tababarka iskaga soo horjeeda, waxaana Fernandes dhinaciisa la raaciyey Scott McTominay, Angel Gomez, Luke Shaw, Mason Greenwood, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka iyo Odion Ighalo, waxaana guusha heshay dhinacii Bruno Fernandes.

Isla markii ay ciyaartu dhamaatay, Bruno Fernandes ayaa bartiisa bulshada ee Instagram u adeegsaday inuu kaga aar-goosto Matic, waxaanu kusoo qoray: “Nemanja Matic, mar walba mar walba farqi ayaa u dhexeeya kooxda guuleysanaysa iyo naadiga.”

Arrintan oo qaab kaftan ah iska ahayd, waxay caddaynaysaa in labadan ciyaartoy ay ka dhaxayso saaxiibtinimo xooggan.

Si kastaba, Bruno Fernandes ayaa si degdeg ah ula qabsaday Manchester United oo uu bishii January kusoo biiray, waxaana sagaal kulan oo uu u ciyaaray uu dhaliyey saddex gool iyo shan gool oo uu cxaawiyey, iyadoo bishiisii ugu horreysay ee February na loo doortay xiddigii ugu fiicnaa guud ahaan ciyaartoyda horyaalka Premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*