Barcelona Oo Camp Nou Ku Garaacday Real Betis Iyo Tababare Valverde Oo Guushiisii Ugu Horaysay Ee Kulan Rasmi Ah La Gaadhay Barca.

Barcelona ayaa guul ku furatay xili ciyaareedka cusub ee La Liga iyada oo 2-0 ugu awood sheegatay Real Betis oo Camp Nou marti ku ahayd. Barcelon ayaa ka soo kabsatay xaaladii adkayd ee ay ku jirtay iyada oo heshay saddexdii dhibcood ee ugu horeeyay ee horyaalka La Liga.

Gool uu Sergi Roberto dhaliyay gool kale oo iska dhalis ahaa ayay Barcelona guushan ku gaadhay iyada oo tababare Valverde uu Balaugrana la gaadhay guushiisii ugu horaysay ee kulan rasmi ah.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BARCELONA (4-3-3): Ter Stegen, Mascherano, Alba, Umtiti, Semedo, Rakitic, Busquets, Roberto, Messi, Alcacer, Deulofeu
Kaydka: Cillessen, Piqué, Denis Suárez, Arda, Digne, André Gomes, Aleix Vidal

REAL BETIS (4-5-1): Adan, Tosca, Barragan, Feddal, Mandi, Joaquin, Narvaez, Leiva, Camarasa, Guardado, Leon

Kaydka:Dani Gimenez, Jordi Amat, Durmisi, Javi Garcia, Fabian, Francis, Sanabria

Barcelona ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ahayd kooxda uu culayska wayni saarnaa kadib fashilmkii kulamadii El Clasico ee Spanish Super Cupka ee ay Real Madrid kala soo kulantay, wuxuuna Valverde doonayay in ayna xaaladii xumayd ee ay kooxdiisu soo martay markale saamayn musiibo ku noqon kartay ayna ugu yeelan bilawga xili ciyaareedka cusub ee La Liga.

Barcelona ayaa markiiba ahayd kooxda laga filan karayay goolka furitaanka iyada oo Real Betis bilawday in ay si buuxda difaac adag u gasho waxayna sidoo kale kooxda martida ahayd doonaysay in ay weeraro deg deg ah ay xaalad xun ugu abuurto Barcelona.

DAQIIQADII 36 aad ugu danbayn Barcelona ayaa heshay goolkeeda furitaanka kadib markii Sergio Busquets, Lionel Messi iyo Deulofeu ay si qurux badan u soo wada shaqeeyeen laakiin kubbada uu Deulofeu u soo bixiiyay Messi ee uu doonayay in uu goolkan ku dhaliyo ayuu difaaca Betis ee Tosca uu shabaqa kooxdiisa ku leexiyay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 39 AAD Barcelona ayaa markiiba Real Betis u raacisay goolka labaad kadib weerar kale oo si habaysan loo soo dhisay laakiin markan Sergi Roberto ayaa qaab qurux badan u dhamaystiray kubbad caawin uu sameeyay Gerard Deulofeu kaas oo ku lug lahaaday labada gool ee soo laabashadiisa La Liga, wuxuuna Roberto ciyaarta ka dhigay 2-0 ay markiiba Balaugrana hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

Real Betis oo muuqatay in uu difaaca kooxdeedu yahay mid xaalad adag ku abuuri kara Barcelona ayaa saddex daqiiqo gudahood laba gool looga dhaliyay waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-0 ay Barcelona gacanta saree ku lahayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Real Betis ayaa badashay qorshihii ay ciyaarta ka lahayd ee difaacashada badan iyo weerarka deg dega ah ku salaysnaa waxayna raadinaysay  dariiqii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd balse Barca ayaa raadinaysay goolka saddexaad si ay Betis u niyadjabiso.

DAQIIQADII 60 aad Lionel Messi oo hore birta u soo garaacay ayaa markale ugu dhawaaday in uu kooxdiisa u dhaliyo goolkiisii 350 aad ee La Liga laakiin xidiga ree Argentina ayaa arkay darbadiisa oo birta goolka Betis ku dhacday.

Barcelona ayaa bilawday in ay boosishanka iyo kubbada si buuxda u haysato iyada oo Real Betis ku dhibtoonaysay qaabkii ayc ciyaarta ugu soo laaban lahayd wuxuuna Valverde badalkiisii ugu horeeyay uu sameeyay daqiiqadii 72 aad isaga oo kaydka uga yeedhay Aleix Vidal waxaana garooka ka baxay Deulofeu.

NASIIB XUMO!! Lionel Messi ayaa markii saddexaad birta goolka Real Betis garaacay iyada oo ay ku adkaatay in uu dhaliyo goolkiisii 350 aad ee horyaalka La Liga waxaana muncaarid wayn ku noqotay birta oo markii saddexaad goolkan ka beenisay. Markii ugu horaysay waayihiisa ciyaareed ayuu Lionel Messi hal kulan saddex jeer birta garaacay.

Saxiixa cusub ee Nelson Semedo ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo orday inka badan 12 kilomitir wuxuuna muujiyay in uu tayo sarre ku soo kordhin karo kooxda Valverde isaga oo dhibaato badan Real Betis kaga abuurayay dhinaca midig.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Barcelona ku khaarajisay kooxda martida u ahayd ee Real Betis isla markaana ay guul ugu furtay  xili ciyaareedka cusub ee La Liga. Valverde ayaa guushiisii ugu horaysay ee kulan rasmi ah la gaadhay Balaugrana.

Comments

comments