Shaxda Kooxda Ciyaartoydii Ugu Fiicnayd Ee Uu Lionel Messi Ka Soo Garab Ciyaaray Oo La Shaaciyay.

Lionel Messi waxa uu ka soo garab ciyaaray xidigo badan oo heer caalami ah waxaana wax adag ah in la soo xulo shaxda 11 kii xidig ee ugu fiicnaa booskooda ee uu kaga soo garab ciyaaray heerka kooxeed.

Waxaanu dhawaan idiin soo gudbinay shaxda ciyaartoydii ugu fiicnayd ee uu Cristiano Ronaldo ka soo garab ciyaaray kuwaas oo ku koobnaa heerka kooxaha oo kaliya taas oo la micno ah in aan lagu darin xulka qarankiisa Portugal.

Si la mid ah waxaanu halkan idiinku haynaa shaxda ciyaartoydii ugu fiicnayd ee uu Lionel Messi kaga soo garab ciyaaray kooxdiisa Barcelona. Messi wuu ka duwan yahay Ronaldo sababtoo ah waxa uu waayihiisa ciyaareed ku soo qaatay Barca oo kaliya halka Ronaldo uu ciyaartoydii ugu fiicnayd kaga soo garab ciyaaray Man United, Real Madrid iyo Juventus.

Shaxda ciyaartoydii ugu fiicnayd ee uu Lionel Messi ka soo garab ciyaaray ayay ka soo baxday shax layaableh oo waana shaxdii ugu adkayd ee uu Barcelona kula soo ciyaaray xidigo badan oo hadda ka maqan kooxda uu joogo.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa shaxda ciyaartoydii ugu fiicnayd ee uu Lionel Messi heerka koox ahaaneed kaga soo garab ciyaaray halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Shaxda kooxda ciyaartoydii ugu fiicnayd ee uu Lionel Messi ka soo garab ciyaaray waxaa goolka loogu doortay Victor Valdes kaas oo Messi la soo qaatay waqtigii ugu fiicnaa isla markaana ugu guulaha badnaa ee waayihiisa ciyaareed.

Inkasta oo Ter Stegen uu yahay mid loo tixgaliyo in uu ka tayo fiican yahay Valves, haddana waqtigii badnaa iyo guulihii taariikhiga ahaa ee ay Messi iyo Valdes soo wada gaadheen ayaa tixgalinta ugu wayn qaatay.

Javier Mascherano iyo Gerard Pique ayaa ku soo baxay shaxda kooxda ciyaartoydii ugu fiicnaa ee uu Lionel Messi ka soo garab ciyaaray.

Dani Alves oo caawinta aad u badan u soo sameeyay Lionel Messi isla markaana ahaa difaacii ugu fiicnaa ee ay inta ugu badan isa soo fahmeen ayaa loo doortay difaaca midig ee shaxda kooxda ciyaartoydii ugu fiicnayd ee uu Messi ka soo garab ciyaaray.

Afarta difaac ah waxaa dhamaystiray Jordi Alba oo hadda ah difaaca ay inta ugu badan Messi isku fahmaan kubbadaha hal abuurka ah, wuxuuna ku jiraa ciyaartoyda ugu fiican ee uu Messi ka soo garab ciyaaray.

Khadka dhexe ee shaxda kooxda ciyaartoydii ugu fiicnayd ee uu Lionel Messi ka soo garab ciyaaray ma aha kuwo sheeko badan u baahan waana xidigihii Messi ka soo dhigay lama joojiyaanka waana Andres Ineista iyo Xavi Hernandez.

Yaya Toure, Deco, Ronaldinho iyo xidigo badan oo uu Messi kaga soo garab ciyaaray Barcelona ayaan wax boos ah ka helin shaxdan.

Saddexda weerarka ee shaxda kooxda ciyaartoydii ugu fiicnayd ee uu Lionel Messi ka soo garab ciyaaray waxaa ka soo wada muuqday Thiery Henry, Luis Suarez iyo Neymar Jr laakiin waxaa iska waayay xidigo badan oo aad u fiicnaa oo uu Messi kaga soo garab ciyaaray Barcelona.

Samuel Eto’o, David Villa iyo xidigo badan oo uu Messi weerarka Barcelona kaga soo garab ciyaaray ayaan shaxdan boos ka helin.

Halkan kaga bogo shaxda kooxda ciyaartoydii ugu fiicnayd ee uu Lionel Messi kaga soo garab ciyaaray heerka kooxaha oo dhan:

Haddaba akhriste, shaxdani ma kula tahay shaxdii ugu fiicnayd ee ciyaartoydii uu Lionel Messi heerka kooxeed kaga soo garab ciyaaray?

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*